Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ugu baaqay dhammaan muwaadiniinta Mareykanka ee ku haray waddanka Ukraine in ay si deg deg ah uga baxaan dalkaas, sababo la xiriira hanjabaadaha sii kordhaya ee ku wajahan dhaq dhaqaaqa militari ee Ruushka.
Biden oo wareysi siiyay NBC News ayaa “waa xaalad aad u adag, arrimuhuna si degdeg ah ayey isu bedeli karaan,waana dagaal caalami ah marka Mareykanka iyo Ruushka ay bilaabaan inay is rasaaseeyaan.”
Baaqaan ayaa imaanaya ,iyadoo Ruushka ay bilaabeen dhoolatus ciidan oo dalkaasi uu ka sameynaayo dalalka deriska la ah sida xadka Ukraine iyo Belaruusiya
Ruushka ayaa dhawaan ku ururiyay in ka badan 100,000 oo askari meel u dhow Ukraine, taasoo keentay cabsi laga qabo in dalkaasi uu qorsheynaayo weerar kale oo militari oo ka dhan ah deriskii hore ee Soofiyeedka.
PUNTLAND POST