Guddiga Hirgelinta Doorashada heer Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta shaaciyay Jadwalka lagu qabanayo xubnaha ka harsan Kuraasta taal degmada Baraaawe.
Guddiga ayaa sheegay in 13 xubnood oo ka harsan Kuraasta taalla degmada Baraawe lagu qaban doono Todobaadka soo socda.
Qoraal ka soo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in Qaybta hore ee Doorashadaas la qaban doono 16-ka bishan February halka Qaybta labaadna la qaban doono 17-ka February.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.