Dowladda Federaalka oo aqoonsatay dekedda Garacad

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa warqadaha aqoonsiga dekednimo siisay dekedda cusub ee Garacad.

Guddoomiyaha shirkadda Wadaagsan ee maalgelisay dekedda Garacad, Warsame Axmed Shiddo ayaa maanta sheegay in dowladda federaalka madaxdeeda heer dekedeed iyo madaxda ka sareysaba ay aqoonsatay dekedda Garacad, islamarkaana ay bixiyeen warqadihii aqoonsiga dekednimo.

“Dadka reer Garacad waxaan ogeysiinayaa iyo dowladda Puntland-ba waxaad ogaydeen iyadoo la yiri dowladda federaalka aqoonsigii waa ka diiday dekedda Garacad iyo madaxdii hore ee shaqeynaysay waa ka leexleexatay. Waxaan maanta idiin sheegayaa dekedda Garacad caalamku in uu aqoonsaday, dowladda Puntland-na horay u aqoonsatay, dowladda federaalkana madaxdeeda heer dekedeed iyo heer madaxda ka sareysaba ay aqoonsatay, warqadihii looga baahnaana ay maanta dulyaaliin dekedda” ayuu yiri guddoomiyaha Wadaagsan.

Dhanka kale waxaa maanta la soo bandhigay markab kuwa maraakiibta xira ama u gurmada ah (Tug) oo ay leedahay dekedda Garacad. Waxaana munaasabadii lagu soo bandhigay ka qeybgalay mas’uuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Dekedaha Puntland Axmed Yaasiin Saalax.

PUNTLAND POST