Shil khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa xalay ka dhacay Laamiga u dhexeeya Caasimadda Garoowe iyo tuulada Birta dheer oo ka tirsan Gobolka Nugaal.
Shilka ayaa si gaar ah uga dhacay dalcadda lagu magacaabo Rabaable waxaana ku dhintay laba nin halka ay ku dhaawacmeen nin iyo haweenay sida ay xaqiijiyeen Ciidanka Taraafikada Gobolka Nugaal.
Shilka ayaa ka dhashay kadib markii ay isku dhaceen gaari xamuul ah iyo gaari yar oo maarkeed ah kana yimid dhinaca magaalada Gaalkacyo.
Dhammaan dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa saarnaa gaariga yar ee maarkadka sida ay sheegeen saraakiisha Taraafikada.
PUNTLAND POST