Faahfaahin ayaa ka soo baxaysa qarax ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay isgoyska Ceel-gaabta degmada Xamar-jajab ee Gobolka Banaadir.
Qof miinaysan ayaa sida wararku sheegayaan isku miidaamiyay gaadiid ay saarnaayeen qaar kamid ah ergadii dooranaysay xildhibaannada Golaha Shacabka ee laga soo doorto gobollada waqooyi ee Somaliland.
Khasaare dhimasho iyo dhaawacleh ayaa ka dhashay qaraxaas waxaana Booliisku sheegay in ay ku waxyeelloobeen dad rayid ah oo wadadaas marayay balse weli lama sheegin tiradad dadka wax ku noqday.
Ma jirto cid ilaa iyo hadda sheegatay mas’uuliyadda Qaraxaas.
PUNTLAND POST