Doorashada Baraawe: Kuraas la doortay iyo kuwii ugu dambeysay oo la shaaciyay

Magaalada Baraawe oo maalintii labaad oo xiriir ah ay ka dhacday doorasho ayaa lagu doortay 6 kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

1. Hop#250, waxaa ku soo baxay Cali Maxamed Sheekh oo ah Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

2. Hop#160, waxaa ku soo baxay Maxamed Yuusuf Xasan oo ah Wasiirka Waxbarashada Koonfur Galbeed.

3. Hop#173, waxaa ku soo baxay Cabdifataax Cabdullaahi Araye.

4. Hop#080 oo ah kursigii uu ku fadhiyay Maxamed Cumar Dalxa waxaa ku soo baxay Aweys Xuseen Macalin.

5. Hop#155, waxaa ku soo baxday Jawaahir Cadaawe Cabdi oo kursigan horay ugu fadhiday

6. Hop#150, waxaa ku soo baxay Cabduqaadir Cabdiraxmaan Dhuure.

Dhanka kale guddiga doorashada heer federaal ee Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay qabashada kuraasta ka harsan doorashada Baraawe.

Qoraal ay goordhaweyd soo saareen guddiga ayaa lagu soo bandhigay liiska 13-ee kursi ee ka harsan doorashada Baraawe, waxayna guddigu sheegeen in ay qaban doonaan todobaadka soo socda, taas oo ka dhigan in todobaadka dambe la soo gabagabayn doono doorashada 26-kii kursi ee taalay deegaan doorashada labaad ee Koonfur Galbeed.

Magaalada Baydhabo oo ah deegaan doorashada kowaad ee Koonfur Galbeed ayaa weli waxaa ku harsan kuraas badan.

PUNTLAND POST