Abiy Ahmed oo Lagu Eedeeyay Inuu Dhabarka u Jeediyay Canfarta

Addis Ababa (Wararka PP) — Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayay gaashaanbuurtiisu ku eedeyeen inuu khiyaamay Canfarta oo weerarro adag kala kulmay TPLF oo ciidankoodu aad ugu soo siqay degmooyinka gobolka Canfarta ee Itoobiya. Ciidammada Dowladda Itoobiya may caawinin Canfarta oo hadda ku tiirsan miliishiyo aan u babacdhigi karin xoogagga Tigreega. Ma cadda sababta Abiy Ahmed uga aamusay colaadda ku socota Canfarta.

Kooxda xagjirka Amxaarada ayaa walaac badan ka muujisay sida dowladda Itoobiya ugu eeganayso Canfarta weerarrada TPLF ay soo qaadday. Dhowr toddobaad ka hor ayay ciidammada TPLF dib uga gurteen deegaanno ay ka qabsadeen Amxaarada. Cadaadis kaga yimid diyaaradaha iswada oo ay dowladda Itoobiya adeegsatay ayaa keenay in Tigreegu sameeyaan wax ay ku tilmaameen “dib-u-gurasho istaraajiyadeed”.

Madaxweynaha Gobolka Canfarta Awol Arba ayaa sheegay in 300,000 ay gobolka ka barakaceen weerarrada TPLF awgood.

© Puntland Post, 2022