Taxaneheenii asbuucii hore waxaynu kaga soo hadalnay caqabadihii iyo fursadihii dawladii marxuum Cade Muuse hogaaminayey (2005-2008). Waxaynu soo xusnay dib u yagleeliddii wasaaradaha Puntland iyo horumarkii ay sameeyeen, isku daygii soo saarista khayraadka Puntland iyo caqabadihii lagala kulmay, taageeristii dawladdii ku meelgaarka ahayd ee marxuum Cabdullaahi Yuusuf Madaxweynaha ka ahaa iyo caqabadihii ay Puntland ka soo wajahay oo ay ka mid ahaayeen hoos u dhicii awooddii ciidamada ammaanka iyo sidoo kale dhaqaalihii oo awalba iska yaraa oo qaybsamay, khatartii Puntland ka soo wajahday maxkamadahii koonfurta ka abuurmay iyo sidii loo maareeyey baynu iyadana soo xusnay. Waxaynu ka soo hadalnay dhibaatadii burcad badeeda wixii sababay iyo dhibkii la gala kulmay, ugu damayntii doorashadii la qabtay bishii janaayo 8-2009 baynu ka soo hadalnay markaas waxaynu joognay Cabdiraxmaan Faroole oo noqday Madaxweynaha Puntland isla taariikhda aynu kor ku soo xusnay.
Qormadaan waxaan idinku jalbeebin doonaa arrimo ku saabsan dhismihii dawladdii Cabdiraxmaan Faroole iyo qaabkay ahayd, Wasaaradihii uu soo kordhiyey, tirada wasaaradaha iyo wasiiradda oo aad u kordhay, dhismihii iyo horumarintii wasaraadaha dawladda oo sii kobcay, sicir bararkii oo la xakameeyey, dhibkii burcad badeedka oo sii jiray, arrimihii sahaminta iyo soo saarista khayraadka oo la sii waday. asaaskii ciidanka PMPF ee la dagaalanka burcad badeedka, khilaafkii dhexmaray Madaxweyne Faroole iyo Cismaan Cabdullaahi oo Diyaano ku magac dheeraa iyo sidii loo maareeyey, dagaalkii Al-shabaab iyo dawalddii xiligaas, dilalkii qorshaysnaa ee ugu badnaa oo abid ka dhacay Puntland xiligaas, xoogaysigii iyo hanaqaadkii kooxda Aaran Jaan baynu iyadana xusi doonaa, ansixintii dastuurka Puntland iyo isku daygii ugu horeeyey ee qof iyo cod oo fashilmay iyo sababihii keenay baynu carrabaabi doonaa, wada shaqayntii aan fiicnayn ee dawladdii Cabdiraxmaan Faroole iyo xukuumaddii federaalka ku meelgaarka ahayd ee Sheekh Shariif hogaaminayey baynu ka hadli doonaa, shirarki Garowe 1 iyo Garowe 2 baynu iyagana xusidoonaa. Ugu damayntii waxaynu ku soo ebyi doonaa doorashadii uu qabtay Cabdiraxmaan Faroole hase yeeshee uu Cabdiweli Cali Gaas Madaxweyne Puntland ku guulaystay hal cod.
Waqtigu waa bishii Janaayo 2009 Madaxweynihii la doortay Cabdiraxmaan Faroole wuxuu soo dhisay dawladiisii taasoo ka koobnayd 54 xubnood, waxay 20 xubnood ka badnayd dawladdii ka horaysay ee marxuum Cade Muuse soo dhisay hase yeeshee waxaa soo kordhay sadex wasaaraddood oo muhiim ah sida wasaaradda deegaanka, wasaaradda dastuurka iyo wasaaradda duulista hawada inta kale waxay u badnaayeen wasiirudawlayaal waana markii ay bilaabatay magacaabista wasiirudawlayaasha tirada badan oo illaa hada jira. Hase yeeshee soo kordhintii wasaaradda arrimaha deegaanku waxay ahayd wax aad loogu baahnaa wasaaradaasuna waa wasaaradihii soo kordhay xiligii Cabdiraxmaan Faroole sidoo kale waxaa iyaduna uu soo kordhiyey wasaaradda dastuurka oo loo magacaabay marxuum Jimcaale oo sharciyaqaan aad loo yaqaan ahaa. Wasaaraddda deegaanka soo kordhinteedu waxay ahayd wax aad loogu baahnaa oo lagu xasuusto waxqabadkii dawladdaas waxaynu muujinaysaa mihiimadda uu Cabdiraxmaan Faroole siinayey arrimaha deegaanka iyo dhowristiisa. Wasaaradaha waxbarashada, caafimaadka, haweenka iyo arrimaha qoyska, qorshaynta, arrimaha gudaha iyo dawladaha hoose iyo wasaaraddo kale ayaa horumarkooddii sii kordhay kuwaas oo deeqo badan oo caalami ah helay sidaan horay u soo sheegnay mar walba miisaaniyadda dawladu u qoondayso wasaaradaha illaa iminka waa wax yar oo xafiisyadda lagaga shaqeeyo oo aan wax mashaariic horumarineed ah aysan ku jirin. Waxaa xusid mudan in xiligaas Wasaaradda Maaliyadda maamulkeedu oo horumar sameeyey, sicir barakiina la xakameeyey islamarkaasna ma jirin lacag la soo daabacay xiligaas ay jirtay dawaladdi Cabdiraxmaan Faroole. Waxay kaloo dawladaasu dadaal ku bixisay qorshaynta iyo soo helista kharashkii lagu dhisay labada garoon ee Boosaaso iyo Garowe (Planning Stage).
Cabdiraxmaan Farooole waa aqoon yahan rayid ah oo xirfad maamul leh (Managerial skills) kana soo shaqeeyey bangiyada Soomaaliya qaybo badan oo bangiyo heer degmo ahna soo xukumay sida Qardho, Boosaaso, Hargaysa, Berbera, iwm isla markaasna wuxuu ka gaaray shaqada bangiga heer Agaasime guud intaan dawladii kacaanku dhicin ka hor, hase yeeshee, dhinaca hogaamintiisa dadka yaqaani waxay ku dhaliilaan inuu yahay nin jecel inuu dadka marsiiyo fekerkiisa mar walbana isagu isla saxan, jecel in fekerkiisa iyo taladiisu shaqayso, sidaas darteed ma jecla qofka ka fikir duwan ama aragtidiisa ka duwan aaminsan, waxaaba suurtowda inuu necayb u qaado mararka qaarna colaadiyo, waxaa la sheegaa inuu tanaasul sameeyo marka xaalku meel adag gaaro taasna waxaynu markhaanti u ahayn tanaasulkii uu ka sameeyey barnaamijkii qof iyo cod markii laga horyimi oo dad ku dhinteen amni xumo iyo dagaal sokeeyana laga baqay.
Arrintii burcad badeedu waa sii jirtay aadna waa u xoog badnayd xilligii dawladdii Cabdiraxmaan Faroole laba arrimood oo muhiim ah ayaa soo kordhay xiligaas midna waxay ahayd maraakiibtii shisheeye oo dagaal xoog leh ku qaaday burcad badeeddii Soomaalida maraakibtii xamuulka oo badda Soomaaliya maraysay oo iyagana illaalo hubaysan la saaray si ay isaga dhiciyaan haddii burcad badeed soo weerarto, xagga beriga, waxaa la asaasay ciidankii la dagaalanka burcad badeedda oo loo bixiyey ciidanka Booliska badda ee Puntland (Puntland Marine Police Force, PMPF ) Ciidankaas oo dawlado shisheeye ay fikirkiisa iyo maaligelintiisaba lahaayeen ayaa isaguna la dagaalankii burcad badeedka ka qayb qaatay. Hase yeeshee heshiiska ku saabsan ciidankaas mad madow badan ayaa ku jiray lamana keenin heshiiskaas baarlamaanka Puntland shacabkuna xog fiican kama hayaan mana ahayn heshiis daahfurnaan ku jirto balse waxaa iska cad inuu ahaa mid dad gaar ah oo dawladda raacsanaa si fiican naasnuujin badan loogu sameeyey si gaar ahna looga xoolaystay.
Arrintii sahaminta khayraadka iyo macdanta Puntland oo aynu kaga soo hadalnay taxaneheenii hore inagoo xusnay qaabkii ay ku bilaabatay iyo dhacdooyinkii la xiriiray ayaa dawladdii Cabdiraxmaan Faroole iyaduna halkii ka sii waday, sidaynu ku xusnay taxanihii hore Cadiraxmaan Faroole waa ka horyimi heshiiskaas berigii Cade Muuse isagoo ku tilmaamay heshiis xaaraan ah hase yeeshee shirakadii African Oil oo intii marxuum Cade Muuse dawladiisu joogtay sahamin ka samaysay degaanka Dharoor ayaa dawladdii Cabdiraxmaan Faroole dib heshiis ula gashay dabadeedna sida laga yaabo inaad maqasheen waxaa laba ceel shidaal oo loo kala bixiyey Shabeel One iyo Shabeel Two laga qoday aagaas Dharoor muddo ka dibna shirkaddii waa guurtay wax xog ah oo in meeshaas shidaal laga helay iyo in kale oo la shaaciyey ma jirin mana hubo in xogtaas ay hadda gacanta dawladda Puntland ku jirto iyo in shirkaddii ay xogteedii la dhaqaajisay.
Si kastaba ha ahaatee dad badan ayaa isweydiiya sababta keentay in Mudane Cabdiraxmaan Faroole markii horena ka hor yimaado heshiiska markii dame oo uu Madaxweynaha noqdayna halkaas ka bilaabo hawshii macdan baarista dad baa ku fasira in heshiiskii qodabadiidiisii wax laga bedelay laakiin ma jirin marna heshiis si daahfuran loogu soo bandhigay baarlamaanka Puntland oo arrintaas ku saabsan labada Madaxweyneba Marxuum Cade Muuse iyo Cabdiraxmaan Faroole waxay iskaga mid ahaayeen daahfurnaan la’aanta heshiiskaas macdan baarista oo golaha xukuumadda iyo baarlamaanka midkoodna uusan si daahfuran uga doodin una ansixin, heshiiskaas oo gaaray illaa shidaal qodis in la sameeyo hase yeeshee aan wax maxsuul ahi uga soo bixin dadka Puntland.
Kooxda Aaran Jaan waxay saldhig u ahaayeen doorashadii Cabdiraxmaan Faroole waxaana la sheegaa inay maamulka dawladda si dadban ugu dhex jireen goynta talooyinkana ay wax ku lahaayeen mar walba, waa xiligii ay aad u baraareen isla markaasna ay si fiican u xoolaysteen waxaa la sheegaa inay lacago badan ka heleen qandaraasyo naasnuujin ah oo si gaar ah loo siiyey sida hay’adda PMPF iyo qaar wasaaradaha ka mid ah oo ay lacago badan ka dhunsadeen, lacagahaas oo intooda badani ahaa qandaraasyo hay’adaha caalamiga ahi bixiyeen oo si naas nuujin ah lagu helay ama lacago hay’aduhu toos u siiyeen wasaaraddaha oo la musuq-maasuqay. Waa xiligii dawladdii Cabdiraxmaan Faroole marka kooxdaan magaceedu uu aad u soo shaacbaxay Puntland oo dhana si fiican looga bartay taasoo iyagana usii sahashay inay saaxiibo badan iyo taageerayaal ay ka samaystaan dhammaan gobolada Puntland. Qormooyinka soo socda ayeynu kaga hadli doonaa saamayntii dadbanayd oo ay ku lahaayeen dawladdii Cabdiweli Gaas iyo dibin daabyooyinkii ay u maleegi jireen sidoo kale waxaynu ka hadli doonaa saameyntooda dawladda hadda jirta oo ay iyagu shukaanta u hayaan dawladdda uu Madaxeynaha ka yahay Siciid Deni oo loona yaqaan dawladdii Aaranjaanka.
Waxaynu taxanihii asbuucii hore ku soo xusnay in dastuurka Puntland uu qabyo ahaa xiligii la doortay Mudane Cabdiraxmaan Faroole, shaqo fiican bay dawladiisii ka qabatay gaar ahaan wasaaraddii dastuurka ee garyaqaan marxuum Jimcaale uu hogaaminayey, dastuurkaas waxaa loo qabtay shirweyne afti dadweyne loogu sameeyey ergo ka badan 400 qof ayaa dhammaan gobolada Puntland laga casumay dabadeedna shirweyne lagu qabtay Garowe 2011 ayaa lagu ansixiyey heesta iyo calanka Puntlandna halkaas ayaa lagu sameeyey waxay arrintaasu ahayd mid ka mid ah waxqabadkeedii ugu fiicnaa oo ay samaysay hase yeeshee waxaa la sheegaa in farsamo yar ay halkaas odaga Cabdiraxmaan ah ugu qarsoonayd taasoo ahayd muddo xileedka Madaxweynaha Puntland xiligaas ka hor wuxuu ahaa afar sano sida marxuum Cade Muuse iyo Cabdiraxmaanba lagu doortay hase yeeshee ansixinta dastuurkaasu waxay ka dhigtay xilhaynta Madaxweynaha shan sano taasoo illaa hadda jirta, hal sano oo dheeraad ah ayaa halkaas uga soo baxay taasoo xilhayntii Madaxweyne Faroole ka dhigtay shan sano 2009-20013.
Waxaa Jirey khilaaf dhexmaray Madaxweyne Faroole iyo Cismaan Cabdullaahi oo Diyaano ku magac dheereaa wuxuu madax ka ahaa ciidanka hada loo yaqaan PSF laakiin waagaas magacyo keli loo aqoon jiray. Khilaafkaasu wuxuu u yar ekaa kii dhowaan dhexmaray Madaxweyne Deni iyo wiilkii uu dhalay marxuum Cismaan (Diyaano) oo lagu magacaabo Maxamud Cismaan (Diyaano) khilaafkaas oo sida la sheegay salka ku hayey xilka ka qaadis lagu sameeyey marxuum Cismaan Diyaano hase yeeshee uu iska diiday, waxaan xasuustaa in maalin uu ciidan tira badan Faroole ka kaxaystay Garowe isagoo u jihaystay xagaas iyo Boosaaso ka dib markii uu Cismaan diiday xilka ka qaadistii lagu sameeyey, hase yeeshee Madaxweyne Faroole hawshaas xoog kuma xallin oo markii dame waxaa jiray wada hadal dhexmaray Faroole iyo saraakiil Maraykan ah kuwaas oo u soo bandhigay liis saraakiil dhalin yaro ah oo ciidankaas ka tirsanaa oo ay tababareen kana codsadeen inuu kala baxo midkii uu rabo hase yeeshee Faroole wuxuu doortay isla markaasna booskii u magacaabay Asad Cismaan Cabdullaahi (Diyaano) . khilaafkiina halkaas buu ku soo afjarmay.
Xilligii dawaladdi Cabdiraxmaan Faroole waxay ahayd xilligii ugu adkaa oo dagaal adag dhexmaray kooxda Al-shabaab iyagoo mar dagaal toos ah ku soo qaaday jidka meermeerka aadna ugu soo dhowaaday laamiga iskuna dayeen inay wadada kala gooyaan dagaal xun baa aagaas ka dhacay oo muddo socday kaasoo keenay in kooxdaas dib loogu celiyo buuraha Galgala, intaas ka dib kooxda Al-shabaab khidadoodii waa bedeleen waxayna dagaalkoodii u bedelaan dilal qorshaysan, dad badan ayaa lagu laayey magaalada Boosaaso dadkaas oo isugu jiray culimo, ganacsato iyo dad dawladda u shaqeeynayey, dadka ugu magac dheeraa culimada Boosaaso lagu dilay waxaa ka mid ahaa Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan, sidoo kale Garowe ayaa lagu dilay xubno dhowr ah oo ka tirsnaa baarlamaanka Puntland kuwaas oo aynu ka xusi karno marxuum Sheebbe Maxamuud Siciid Fey, iyo Ibraahim Cilmi oo labaduba mudanayaal baarlamaan ahaa, sidoo kale waxaa habeen gurigiisa lagu weeraray hase yeeshee ka badbaaday guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland dabadeedna wasiir ka soo noqday dawalddii Cabdiweli Cali Gaas marxuum Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo dhowaan xanuun soo wajahay dartiis u geeriyooday. Dilkii Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax oo ka dhacay Garowe ayaa isaguna ahaa dil naxdin badan dilkaas oo marxuumka loo geystay galab jimce ah magaaladda Garowe. Dilal fara badan oo dad qiimo badan ay ku dhinteen ayaa iyaguna ka dhacay magaaladda Gaalkacyo.
Xilliggii dawladdi Cabdiraxmaan Faroole waxaa Xamar ka jirtay dawladdii federeelka ee ku meelgaarka ahayd ee uu hogaaminayey Sheekh Shariif sheekh Axmed, waxaa socday dadaal la doonayey in ku meel gaarnimada looga saaro dawladnimada curdinka ah ee Soomaaliya ee soo bilaabatay xilligii shirkii Carta 2000 lagu qabtay Jabuuti iyo shirkii ku xigey ee Kenya lagu qabtay marakan dadka Soomaaliyeed iyo adduunkuba waxay aad u danaynayeen in dastuurka lagu heshiiyo shirna lagu qabto gudaha Soomaaliya sifo kumeel gaarnimada looga baxo, hadaba si looga wada hadlo arrimaha dastuurka waxaa shir laba goor lagu qabtay Garowe, shirkaas waxaa martigelisay dawladdii Cabdiraxmaan Faroole waxaana loo yaqaan Garowe One iyo Garowe Two waa shirkaas kan dastuurka hada jira oo lagu heshiin la’yahay illaa hadda lagu diyaariyey loogana wada hadlay, xilligaas maamul goboleedyo aan ka ahayn Puntland iyo Galmudug oo kala dhinayd xiligaas maahee ma jirin maamul goboleed kale oo dhisnaa, Puntlandna aad bay isugu taagnaayeen dawalddii ku meelgaarka ahayd ee xiligaas Sheekh Shariif hogaaminayey ayna soo mareen sadex raysul wasaare oo kala ahaa Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo is casilay ka dib markii ay isqabteen Sheekh Shariif, waxaa ku xigay Maxamed Cabdullaahi farmaajo, oo muddo sanad ka yar markuu joogay ay Sheekh Shariif is qabteen isaguna sidaas isku casilay, waxaa isaguna markaas raysul wasaare noqday Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo isaguna muddo hal sano ah ku dhamaystiray hawlihii qabyadda ahaa ee dastuurka iyo qabashadda shirweynihii dastuurka lagu ansixiyey dabadeedna doorasho markii ugu horaysay lagu qabtay Xamar madaxweyne loogu doortay mudane Xasan Shiikh Maxamuud bishii September 2012.
Xiriirka Puntland iyo dawladdii Sheekh Shariif hogaaminayey ee ku meelgaarka ahayd iyo middii Xasan Sheekh oo ku meelgaarka aan ahayn aad buu u xumaa waxaana jiray mar walba muran lagu sheego inuu la xiriira arrimaha dastuurka iyo federaalaynta laakiin dad badan ayaa aaminsan inuusan sidaas keliya ahayne ay jirto tartan awoodeed iyo arrimo danaysi gaar ah la xirirra oo mar walba madaxda Puntland iyo kuwa federaalka is qabadkooda saldhig u ah. Sida uu ka sheegay shirweynihii Heritage oo dhowaan Garowe lagu qabtay Marxuum Afrax oo guddoomiye u ahaa guddigii dhamaysitirka dastiuurka Soomaaliya wuxuu sheegay inay jiraan 15 qodob oo u baahan wada hadal siyaasiya kuwaasoo looga baahan yahay in madaxda dawlad goboleedyada iyo federaalku inta fariistaan ay isla dhemaysitiraan qodabdaas waxaan mid walba ka diyaarinay buu yiri marxuumka sadex soo jeedimood oo ay kala dooran karaan madaxdu hase yeeshee ma dhicin inay wada fariistaan kana wada hadlaan, dastuurkiina waa qabyo weli cid weliba cidda kale bay farta ku fiiqdaa kuna eedaysaa dhimaystir la’aantiisa laakin waxaa iska cad inuu u xaniban yahay danaysi gaar ah oo madaxda Soomaalidu ku wada eedaysan yihiin maxaa yeelay iyagaa laga rabay inay hawshaas dhamaystiraan, waxaa la yaab leh cid walba oo muran qabta dastuurrkaas wuxuu noqday mid ay soo xiganayso qodob ka mid ah oo ay leeyihiin waxaa qaba dastuurka taasu waxay muujinaysaa inuu ahaa dastuur aan diyaarintiisa si fiican looga fekerin meelaha qaarkoodna isku noqnoqonaya oo isburinaya arrinkaas isku noq noqodka ah waa kan mar walba keena isqabadka madaxda sare ee federaalka iyo weliba federaalka iyo dalwad goboleedyada.
Isku daygii iyo bilaabistii hanaanka doorashada qof iyo cod ee xisbiyadda badan ku salaysan ayaa isaguna ahaa talaabo wanaagsan oo maamulkaasu isku dayey hase yeeshee fashilantay, iyadoo muddo xileedkiisii ay ka hartay sanad iyo xoogaa ayuu Faroole magacaabay guddi doorasho oo uu madax uga dhigay nin oday aqoon yahan ah oo la yiraahdo Maxamed Xasan Barre, guddigaas aad buu u shaqeeyey, muddo yar ururaddi ayaa lagu dhisay lana ansixiyey sharciyadoodii, waxaa la isu diyaariyey qabashada doorasho qof iyo cod hase yeeshee barnaamijkaasu ma helin taageeradda dadweynaha iyo dadkii siyaasiyiinta ahaa oo danaynayey siyaasadda Puntland maxaa yeelay maadaama hawshiisa la bilaabay waqti dame waxaa loo arkay kororsi labaad oo Madaxweynuhu rabo inuu xukunka ku sii joogo arrintaas dad badan oo ka mid ahaa marxuum Cadde Muuse oo Madaxweyne ka ahaa dawladdii tan Cabdiraxmaan ka horaysay isla markaas xoogaa godob siyaasadeed ah ka tirsanayey Cabdiraxmaan Faroole oo la xiriirtay arrintii soo saarista khayraadka Puntland oo Cabdiraxmaan ka horyimi ayaa markaas fursad aargoosi siyaasdeed ah uga muuqatay dabadeedna ku dhawaaqay inaan barnamijkaasu ka socon doonin Puntland uuna dagaal cad kala hor-imanayo arrinkaasuna waa dhaboobay ka dib markii magaaladda Qardho markii la geeyey sanduuqyaddii cod bixinta uu dagaal dad ku dhintay ka dhacay sidoo kale Gaalkacyo ayaa iyadana sanaadiiq la geeyey dab la qabadsiiyey arrinkaasu wuxuu keenay in Madaxweyne Faroole uu ku dhawaaqo in barnaamijkii qof iyo cod la hakiyey maadaama ay soo wajaheen arrimo amni xumo tanaasulkaas oo dad badani Faroole ku ammaanaan illaa hada.
Markaas dabadeed xalka keliya oo furnaa wuxuu noqday in dib loogu noqdo habkii qabiilka oo 66 xubnood reeraha laga soo xulaayey, Madaxweyne Faroole oo markii uu xukunka qabtayba baaq u jeediyey isimada Puntland uu kaga codsanaayo inay siyaasadda faraha kala baxaan arrimaha dhaqanka iyo reerahana ku ekaadaan ayaa markaan dib ugu baahday hogaankii dhaqanka oo uu shalay dayriyey, abaabul ay kooxda Aaran Jaan hormuud ka tahay ayaa halkaas laga bilaabay dib loola xiriirayo isimaddii iyo hogaankii dhaqanka kharsh fara badan ayaa dawladdu ku bixisay xaal marinta isimo badan oo awal la cunaqabayteeyey sifo ay baarlmaanka cusub ugu soo xulaan dad ay dawladdu kalsooni ku qabto isla markaasna la hubo inay u codayn doonaan Mudane Faroole xiligga doorshada markaas loo balansanaa Janaayo 8-2014. Sanadkii 2013 wuxuu ahaa sanad dawaladi Faroole oo awal bilwalba mushahaarka bixin jirtay ay kharashkii iyo cashuurtii dawladda loo leexiyey kasbashada qabaa’ilka iyo hogaamiye dhaqameedkooda sifo looga soo xusho dad lagu kalsoon yahay arrinkaasu sidii dawladda iyo aaran-jaankeedu u qorsheeyeen buu u hirgalay dad badan oo xildhibaano noqday ayaa sidaas lagu soo saaray aakhirkii sanadkii 2013.
Markaas dabadeed sidiii caadiga ahayd guddi doorasho ayuu Madaxeynuhu magacaabay oo hubiya dadka qabaa’ilku keensayaan inay soo mareen sifaddii sharciga ahayd Musharixiin fara badan ayaa kolkaas isu diyaariyey inay la tartamaan Mudane Faroole oo kursiga isagu ku fadhiyey markaas dadaalna ku bixiyey iyo kharsh fara badan inuu dad badan oo isaga raacsan uu qabaa’ilka ka soo xusho. Waxaa la sheegaa in doorshadaasu ahayd middii ugu badnayd xagga kharashka la siinayo xubnaha baarlamaanka ee codka laga doonayo waxaa jirtay in dawladu markaas gaarsiisay sicirka laaluushka la bixinaayey illaa 50,000 doolar sifo dib loogu soo doorto Madaxweynihii markaas xilka joogay, ragga musharixiinta ahaa iyaga ruuxoodu dabyar shidi mayn waxaa la sheegaa illaa 30,000 doolar iyo ka badan in rag ka mid ahi ay bixinayeen. Waxaa la sheegaa in doorshadaas iyo middii ku xigtay oo lagu doortay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ay ahaayeen labadii doorasho oo ugu musuqmaasuqa lacag bixinta badnaa labadaas doorsho oo marka la isku daro musuqmaasuqa lacag bixnta uusan middiba ka yareyn kharash dhan 20 milyan oo doolar qiyaastii inay ku baxday labadaas doorasho.
Marakaan waxaa la soo gaaray janaayo 8-2014, waa xiligii doorashada loo balanasanaa sidii loo qorsheeey bay wax weliba u dheceen maalintaas waxay ahayd maalin ku suntan taariikhda Puntland oo uu dhacay tartan aad u adag waxaa wareegii sadexaad loo codeeyey laba Musharax oo kala ahaa Madaxweynihii markaas xilka hayey iyo Madaxweyne Cabdi weli Cali Gaas oo Musharixiinta ka mid ahaa markii codadkii la tiriyey waxay kala heleen 33 cod oo uu helay Cabdiweli Cali Gaas, 32 codna waxaa helay Cabdiraxmaan Faroole, hal codna waa xumaaday, waxaa la sheegaa in codka xumaaday uu ka xumaaday Mudane Faroole oo haddii uu si sax ah u calaamadin lahaa ay codadku is le’ekaan lahaayeen dabadeedna loo baahan lahaa malaha wareeg kale iyo tartan kale. markii natiijaddii lagu dhawaaqay 33 cod iyo 32 cod waxaa makarafoonka lagu soo dhoweeyey mudane Faroole oo si geesinimo leh oo dad badan ku ammaaneen mawqifkiisa uu qaatay ku aqbalay natiijaddii doorashada isla markaasna xilwareejin fiican agaasimay oo xilkii ku wareejiyey Madaxweynihii halka cod uga guulaystay Madaxweyne Gaas xilwareejintaas oo ka dhacday Madaxtooyadda Puntland oo markaas cusbayd oo la dhisay xiligii faroole uu Madaxweynaha ahaa , Madaxweyne Gaas oo markaas ka hor dhaliili jiray dawladda Faroole ammaan buu subaxaas kala duldhacay waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “Madaxtooyo qurux badan iyo nidaam dawladeed oo qurux badan kulli wada qurux badan ayaa la igu wareejiyey”.
Hadaba, maxaynu ka baran karnaa taariikhdaas kooban oo aan idiinka waramay xilligii dawladdii Cabdiraxmaan Faroole? waxaan is leeyahay waxaynu ka baran karnaa: –
1. Wax badan oo wanaagsan in la qabtay xiligaas oo ay ka mid ahaayeen sii wadistii horumarinta iyo dhismaha wasaaraddaha Puntland gaar ahaan soo kordhintii wasaaradda deegaanka , xakamayntii sicir bararka iyo sarifka, dastuurkii oo afti loo qaaday lana dhamaystriay, heestii iyo calanka Puntland oo la sameeyey, isku daygii barnaamijka qof iyo cod wax wanaagsan buu ahaa laakiin fashil buu ku dameeyey. Dhismihii Madaxtooyada Puntland ayaa iyaduna wax fiican oo soo kordhay ahayd iyo sidoo kale soo helisitii ama diyaarintii kharshkii lagu bilaabay dhismaha labada garoon diyaaradeed ee Boosaaso iyo Garowe oo dawladaasu ay shaqo fiican ka qabatay kharshkaas oo ay balan qaadeen bixintiisa dawladaha Kuweyt iyo Talyaaniga.
2. Kobcintii iyo naasnujintii kooxda Aaran Jaan ayaa iyaduna ahayd waxa soo kordhay xiligaas, kooxdii Aaran Jaan oo xoolaystay, musuqmaasuqa oo sii kordhay gaar ahaan bixinta kharashka xiliga doorshada oo gaaray illaa 50,000 doolar, dad badan oo siyaabo kala duwan magaca dawaldda ugu xoolaystay ayaa xiligaas caan baxday dadkaas oo si gaar ah loogu naasniijiyey mashaariic ay ka mid ahaayeen PMPF iyo kuwo kale.
3. Bilaabashaddii muranka iyo isqabadka dawaldda federaalka ah iyo maamulka Puntland ayaa iyaduna xiligaasu ku suntan yahay. Isqabadkaas oo illaa hadda halkiisii ka sii socda oo aan weli xal loo helin labada dhinacna ay wax badan ku lumiyeen.
4. Aargoosiga siyaasadeed ee dhexmara siyaasiyiinta iyo dhibaatooyinka uu u gaysan karo horumarka dalka ayaan iyadana ka baran karnaa maadaama aynu taxanihii hore ku soo xusnay isqabadkii ku salaysnaa soo saarista khayraadka oo dhexmaray marxuum Cade Muuse iyo wasiirkiisi qorshaynta oo sababay in dawaladda laga saaro mudane Faroole buuqii ka dhashay, iyo dagaalkii lagu qaaday barnaamijkaas soo saarista khayraadka iyo taxanahan oo aynu ku xusnay in ugu damayntii marxuum Cade Muuse la fiirsaday goor xun isla markaasna ka kala daadiyey Faroole barnaamijkii qof iyo cod oo mudane Faroole dawladiisu ay xiliyaddii dame ambaqaaday.
La soco todobaadka dame oo aan kaga hadli doono caqabadihii iyo fursadihii dawaddii Cabdiweli Cali Gaas 2014- 2018.
Waxaa Qoray: Axmed Siciid Nur
Email: ahsnur77@gmail.com
Cell phone; 0907797081