Maraykanka oo xayiraad socdaal ku soo rogay shakhsiyaad Soomaali ah

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay xayiraad dhanka socdaalka ah saartay shakhsiyaad Soomaali ah oo ay ku jiraan kuwa xilal haya iyo mas’uuliyiin hore.

War ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka ayaa lagu sheegay xayiraad dhanka socdaalka ah lagu soo rogay shakhsiyaadkaas oo loo arkay kuwa caqabad ku ah hannaanka dimoquraaddiyadda iyo hirgelinta doorashada Soomaaliya.

Siyaasaddan ayaa lagu dabbaqi doonaa shakhsiyaadka door ka qaatay habraac-xumada wiiqday hannaaka doroashada kuwaas oo ka gaabiyay gudashada waajibaadkii ka saarnaa hirgalinta doorashooyin hufan oo wakhtigooda ku dhaca” ayaa lagu yiri qoraalka.

Maraykanka ayaa sidoo kale ka dalbaday hoggaamiyaasha heer Federaal iyo heer dowlad goboleed in ay fuliyaan ballan-qaadkoodii ahaa doorasho hufan oo wakhtigeeda ku dhacda.

PUNTLAND POST