Faahfaahin ayaa ka soo baxaysa khasaaraha ka dhashay qaraxii galabta ka dhacay magaalada Boosaaso.
Inta la xaqiijiyay saddex ruux ayaa ku geeriyooday qaraxaas waxaana ku dhaawacmay 7 ruux oo kale sida ay Puntland Post ka soo xigatay Laamaha Amniga Gobolka Bari.
Wararku waxay sheegayaan in qaraxa lala beegsaday meherad merfish lagu qayilo leh oo ku taalla bartamaha Boosaaso.
Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas.
PUNTLAND POST