Magaalada Baraawe oo ah deegaan doorashada labaad ee Koonfur Galbeed ayaa maanta markii ugu horreysay lagu doortay 7 kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Doorashada Baraawe waxaa ku soo baxay xubno horay ugu fadhiyay kuraasta iyo kuwo ku cusub siyaasadda, waxayna ahayd mid natiijadeeda la sii ogaa, maadaama kuraasta dad gaar ah loo xiray.
Intii doorashadu ka socotay magaalada Baraawe waxaa lagu garaacay tiro hoobiyeyaal ah, kuwaas oo ku dhacay goobo ay ku sugnaayeen dad shacab ah, waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyooday 4 ruux, halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 10 ruux.
1. Saalim Aliyow Ibrow ayaa ku guuleystua kursiga Hop#165, isagoo helay 70 cod, halka musharaxii la tartamayay Aadan Cismaan Xasan uu heley 15-cod.
2.Yuusuf Maxamed Aadan ayaa ku guuleystay kursiga Hop#161, isagoo helay 80 cod, halka musharaxii la tartamayay Cabdulaahi Xuseen Faarax uu heley 7-cod.
3. Maryan Maxamed Cali ayaa ku guuleystay kursiga Hop#044, iyadoo heshay 73 cod, halka musharaxii la tartamaysay Faadumo Xasan Cumar ay heshay 10 cod.
4. Xuseen Cali Xaaji ayaa ku guuleystay kursiga Hop#016, isagoo helay 81 cod, halka musharaxii la tartamayay Ismaciil Xuseen Axmed uu heley 10 cod.
5. Cabdulaahi Cumar Abshirow ayaa ku guuleystay kursiga Hop#152, isagoo helay cod 83 cod, halka musharaxii la tartamayay Ahmed Xasan Geedi uu heley 16 cod.
6. Farxiya Maxamed Cabdi ayaa ku guuleysatay kursiga Hop-153, iyadoo heshay 88 cod, halka musharaxii la tartamaysay Anisa Maxamed Xasan ay heshay 12 cod.
7. Cabdulaahi Xuseen Cali ayaa ku guuleystay kursiga Hop#151, isagoo helay 78 cod, halka musharaxii la tartamayay Mahad Cali Axmed uu heley 17 cod.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.