Diiwaan-gelinta Musharrixiinta Kuraasta Golaha Shacabka oo maanta lagu wado in ay Baraawe ka bilaabato

Guddiga Hirgelinta Doorashada heer Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta lagu wadaa in uu degmada Baraawe ka bilaabo diiwaan-gelinta dadka u tartamaya Kuraasta Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Dadkaas ayaa u sharraxan Kuraasta ugu horraysay ee Golaha Shacabka ee Doorashadoodu ka dhacayso magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Magaalada Baraawe ayaa waxaa kusii qul qulaya madax kala duwan iyo musharrixiinta ku tartamaya kuraasta Golaha Shacabka kuwaas doonaya in ay isu diiwaan-geliyaan Doorashada.

Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa noqday maamulkii u horreeyay ee shaaciyay Doorashada Kuraasta Golaha Shacabka ee lagu dooranayo Degaan Doorashada labaad.

PUNTLAND POST