
Ciidamadii ugu horreeyay ee Mareykan ah ayaa Todobaadkan gaaray waddanka Poland, si ay u xoojiyaan xulafada NATO ee ku sugan Bariga Yurub, iyadoo cabsi laga qabo in Ruushku weeraro Ukraine.
Ciidamada Mareykanka ayaa gaaray saldhiga milatari ee Rzeszow oo ku yaala koonfur bari Poland, una dhow xadka uu la wadaago Ukraine, ka dib markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu Arbacadii amray in 1,700 oo askari la geeyo halkaasi.
Biden ayaa sidoo kale amar siiyay ciidamada Romania iyo Jarmalka, isaga oo tirada guud ee ciidamada dheeraadka ah gaarsiiyay ku dhawaad 3,000.
Mareykanka ayaa 8,500 oo kale oo askar Mareykan ah geliyey heegan sare bishii Janaayo si loo geeyo Yurub haddii loo baahdo.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.