Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Dowladda Maraykanku u soo magacawday Soomaaliya Larry André.
Danjiraha cusub ee Mareykanka ayaa soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xoojinta xiriirka iyo wax wada qabsiga ku qotoma danaha qaran ee labada dowladood, sida lagu xusay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya.
Sidoo kale war-saxaadadeedka ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo Danjire André ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, gaar ahaan kor u qaadidda iskaashiga dhaqaalaha, amniga, la dagaallanka argagixisada, arrimaha bini-aadannimada iyo horumarinta.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey Danjire Larry André xilka safiirnimo ee loo igmaday, isaga oo la wadaagay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku garab istaagayso gudashada waajibka diblomaasiyadeed ee loo igmaday.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.