Ciidanka kumaandooska dowladda Federaalka ee DANAB, gaar ahaan ururka 5-aad ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyay degaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.
Saraakiil ka tirsan ciidanka DANAB ayaa warbaahinta u sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa burburinta goobo ay Al-Shabaab ku lahaayeen degaano ka tirsan gobolka.
Deegaanada kala ah Sanguuni, Muuse Xaajji, Arraare iyo Koban oo dhamantood ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ayey ciidamadu hawlgalkaas ka fuliyeen
Ciidanka DANAB ayaa si joogto ah howlgallo kala duwan uga fuliya degaanada fog-fog ee gobollada koonfurta Soomaaliya, waxayna inta badan degaanadaasi ka dhaca, iska hor imaadyo dhex mara iyaga iyo Al-Shabaab.
PUNTLAND POST