Booliiska Gobolka Bari oo been-abuur ku tilmaamay warar lagu faafiyay Baraha Bulshada

Taliska Qeybta Booliiska Gobolka Bari ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka ku saabsan in haweeney carruur ku af-duuban gaartay magaalada Boosaaso.

“Teliska Qeybta Booliska Gobolka Bari wuxuu Bulshada ku nool Magaada Boosaaso u sheegayaa in aysan jirin Caruur ay Hawaynay isku dayday in ay Afduubto” ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Taliska.

“Teliska Qeybta Booliska Gobalka bari wuxu la kulmay Caruurta iyo waalidkii Dhalay oo ku sugan Xaafada Buurcad , oo aysan Jirin Wax dhibato ay la kulmeyn Caruurta”

Taliska Booliiska Gobolka Bari ayaa sidoo kale digiin u diray shakhsiyaad ay sheegeen in ay warkaas been-abuurka ah ku faafiyeen Baraha Bulshada islamarkaana waxay ka dalbadeen in ay raalli-gelin ka bixiyaan.

“Ugu danbayntii Teliska Qeybta Booliska Gobalka Bari wuxuu digniin u dirayaa Shaqsiyaadka Baraha Bulshada kusoo Qoray warkan been abuurka ah, iyaga ayaa cadayn laga rabaa,ama waa in ay raali gelin ka bixiyaan Qoraalda been abuurka ah oo ay Bulshada la wadaageen kuna khal khal galinayan Bulshada”

PUNTLAND POST