Weerar madaafiic ah oo lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha Beledweyne

Weerar culus oo madaafiic ah ayaa goor dhowayd lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne halkaas oo lagu wado in uu maanta ka soo dego Madaxweyne Cali Guudlaawe.

Ciidamada Garoonka ayaa hubka culus kaga jawaabay madaafiicda lagu soo riday Garoonka welina faahfaahin lagama hato khasaaraha ka dhashay.

Wararku waxay sheegayaan in ay magaalada Beledweyne ay ka jiraan dhaq dhaqaaqyo lagu diidanyahay socdaalka Madaxweyne Guudlaawe sidoo kalena ay jiraan dad loo diyaariyay in ay soo dhoweeyaan.

Cali Guudlaawe ayaa dhawr jeer oo hore ka baaqday socdaalka Beledweyne kadib markii xiisad ka dhalatay imaatinkiisa.

PUNTLAND POST