Madaxweynaha Hirshabeelle oo lagu wado in uu maanta gaaro Beledweyne

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa lagu wadaa markii u horraysay tan iyo intii la doortay in uu maanta gaaro magaaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Wararku waxay sheegayaan in ay magaalada Beledweyne ay ka jiraan dhaq dhaqaaqyo lagu diidanyahay socdaalka Madaxweyne Guudlaawe sidoo kalena ay jiraan dad loo diyaariyay in ay soo dhoweeyaan.

Cali Guudlaawe ayaa dhawr jeer oo hore ka baaqday socdaalka Beledweyne kadib markii xiisad ka dhalatay imaatinkiisa.

PUNTLAND POST