Al-shabaab oo sheegtay in ay qabsadeen degmada Diinsoor ee Gobolka Baay

Wararka ka imaanaya magaalada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in Al-shabaab weerar khasaare dhaliyay ku qaaday degmadaas.

Dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab ayaa fiidnimadii xalay weerar ku qaaday Diinsoor waxaana sida wararku sheegayaan ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Al-shabaab waxay sheegeen in ay weerarkaas ku qabsadeen degmada Diinsoor kadib markii ay halkaas isaga baxeen ciidamada dowladda.

Sidoo kale waxay sheegeen in ay weerarka ku dileen in ka badan 10 askari oo ka tirsan Ciidamada dowladda inkastoo aysan jirin ka baxsan Al-shabaab oo warkaas xaqiijisay.

Dhinaca dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedka Koonfur Galbeed midna weli kama hadlin dhacdadaas.

PUNTLAND POST