Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya ayaa lagu wadaa in uu Todobaadkan dib ugu laabto Puntland.
Madaxweyne Siciid Deni oo 29-kii January u safray magaalada Nairobi ayaa sida wararku sheegayaan halkaas u jooga arrima siyaasadeed oo la xiriira Doorashadada Soomaaliya.
Faahfaahin lagama hayo cidda uu Nairobi kula kulmay iyo waxa si hoose looga wada-hadlay marka laga reebo in Safarkiisu salka ku hayo Arrima Siyaasadeed.
Siciid Deni oo u sharraxan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay olole ugu jira hirgelinta damaciisa Villa Somalia.
PUNTLAND POST