Ku dhowaad soddon sano ayaa laga joogaa markii Boosaaso ku waaberiisatay dagaal u dhexeeyay ururkii SSDF iyo Al Itixaad oo gacanta ku hayay dekedda markaas. Xilligaas Soomaaliya waxaa ka socday dagaallo sokeeye. Maanta halis taas la mid ah ayaa guud ahaan Puntland soo foodsaartay. Halistu waxay ka imanaysaa hindisaha ay koox ganacsato ahi la wadaagtay warbaahinta: qorshe ay ganacsatadu ku doonayso inay dhisto Dekedda Boosaaso.
Sidee ganacsato dib ugu dhisi kartaa deked dhisan oo magac qaran lagu dhisay? Haddii ganacsatadu marso ay ku yeeshaan deked dadweynaha Soomaaliyeed leeyihiin sow hadhow ma dhacayso in ganacsato kale ay terminaal kale ka dhistaan garoonka diyaaradaha Boosaaso ama Garoowe? Ganacsade Ismaciil Siciid Xusseen (Kutuba-wayne), oo la hadlay warbaahinta, wuxuu sheegay in ganacsatada Puntland u wareegeen gobollada kale ee Soomaaliya.

Ganacsade sidiisaba meesha uu wax ka taransan karo ayuu ka ganacsadaa. Ganacsadihii guura lama guurayo suuqa iyo dadka. Waxa muuqata in ganacsadata gobolka Bari dareemeen tartanka kaga imanaya dekedaha Soomaaliyeed, gaar ahaan Dekedda Garacad, oo iyadaba weli aan la heer ahayn dekedaha aan gaar loo lahayn.
Dekedda Boosaaso waxaa la geliyay heshiis sharci-darro ah oo 30 sano ay DP World ku maamulayso. Dhibaatadan oo aan la xallinin ayay ganacsatada Bari ugu saameynta badan doonayaan inay deked qaranka Soomaaliyeed leeyahay wax ku yeeshaan. Magaca qaranka Soomaaliyeed ayaa Dekedda Boosaaso lagu dhisay, isla magacaas ayaa lagu ballaarin karaa.
Dowladda Puntland waa inay raadiso xaqa horumarineed oo kaga maqan dowladda federaalka. Dekedda Boosaaso marnaba ma lumin karto miisaankeeda ku salaysan in qaranka Soomaaliyeed uu leeyahay. Waa in ganacsatadu aysan ku riyoonin wax ku yeelashada dekedaha.
S. X. Cali, Boosaaso
You must be logged in to post a comment.