
Kow iyo soddon sano waa qati dheer oo ay ummad wax kaga baran karto burbur ama guuldarrooyin wadareed soo gaaray. Waddada ay siyaasadda Soomaaliya hayso ma muujinayso in Soomaalidu yeelatay dowladnimo cago adag ku taagan. Run ahaantii, way adag tahay inay Soomaaliya yeelato dowlad la jaanqaadi karta dowladaha dariska la ah. Soddon sano ayay Soomaaliya ka dambaysaa dowladaha deriska ah waayo way ka badbaadeen burbur dowladnimo (state collapse). Itoobiya sanadkii 1991 waxay lahayd waddooyin 20 kun oo kiilomyetter wadar ahaan gaarayay. Hadda waxay leedahay waddooyin isugeynta dhererkoodu gaarayo 144,000. Soomaaliya waxaa ka lumay fursad dib u dhisid. Bangiga Adduunka ayaa Itoobiya aad uga taageeray horumarka dhanka kaabayaasha.
Maanta lacag aad u badan oo Soomaaliya dib loogu dhisi kari lahaa waxay ku baxdaa ciidammada nabad-ilaalinta Afrikaanka (AMISOM). Sanadkii 2017kii Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres wuxuu shirkii London (London Somalia Coference) ka sheegay in AMISOM Soomaaliya u joogto inay ka hortagto xoogag halis ku ah nabadgelyada adduunka. Doodda Guterres waxay ahayd: Soomaaliya may laha dowlad ku filan dhowridda amniga dalkeeda kana hortagi karta in qeybo ka mid dalka ay saldhigyo u noqdaan ururro loo aqoonsan yahay argagixiso. Isburinta ugu weyni waxay ku jirtaa sheegashada in Soomaaliya dowlad leedahay inkastoo dowladdu aysan ka wada talinin Soomaaliya. Dad Soomaaliyeed ayaa qeyb ka mid ah Soomaaliya laga soo barakiciyay. Maamulka dadka soo barakiciyay wuxuu ku doodayaa in barakacyaashu ay u dhasheen dal kale. Waa waji labaad oo ay taagdarrada dowladnimada Soomaaliyeed yeelatay ka sokow barakicintii, macaluusheyntii iyo boobkii Soomaali badan dalkooda loogu geystay sagaashamaadkii.
Kaalinta awoodaha shisheeye
Kaalinta awoodaha shisheeye ku leeyihiin siyaasadda Soomaaliya may aha mid la dhayalsan karo. Waxay kaalintani ku salaysan tahay danaha hoggaamiyeyaasha siyaasadeed iyo danaha dalalka shisheeye. Si lama filaan ah ayay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, oo uu hoggaamiyo Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, u beddeshay mowqifkii u arkayay Imaaraadka Carabta dal ku xadgudbay qarannimada. Sanadkii 2018kii Wasiirkii Arrimmaha Dibedda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad wuxuu ugu baaqay DP World inay dib uga fiirsato heshiisyada ay ku maamulayso dekedo Soomaaliyeed. Isla sanadkaas Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed wuxuu DP World ka mamnuucay Soomaaliya. DP World waa shirkad ay dowladda Imaaraadka Carabtu leedahay. Waxay hadda maamushaa dekedaha Berbera iyo Boosaaso.

Burburka dowladnimada Soomaaliya, oo dhacay 1991kii, ayaa keenay in dekedaha Soomaaliya qaarkood gacanta u galaan maamullo. Puntland waxay ku dooddaa in Dastuurka Ku Meelgaarka ahi uu xaq u siinayo inay heshiisyo dalal kula gali karto kaabayaasha qaranka Soomaaliyeed sida gegida diyaaradaha iyo dekedda.
Waa waddada ay maamullo kale sida Jubaland mari karaan. Dekedda Muqdisho kuma jirto gacan maamul gaar ah. Waxay ku jirtaa gacanta Dowladda Federaalka Soomaaliyeed. Libinta waxaa qeyb weyn ku lahaa ururkii Midowga Maxkamadaha oo furay dekedda, kaddibna u sahlay inay ku wareegto gacanta dowladdii federaalka ku meelgaarka ahayd.
Maqnaanshaha siyaasad qaran oo ku saabsan maamulka dekadaha iyo garoommada diyaaradaha waa eed ay dowladda federaalku leedahay. Loollanka siyaasadeed uma dhexeeyo koox faragelinta shisheeye taageersan iyo koox ka soo horjeedda. Haddii laba kooxood ay jiri lahaayeen ma dhici lahayn in Ra’iisal Wasaare Rooble uu keligiis jabiyo go’aammo dowlad aan xilgaar siin ahayn ay gaartay iyo go’aammo uu baarlamaanka Soomaaliyeed gaary 2018kii. Yaa Rooble magacaabay? Miyuusan dalku lahayn sharciyo ilaa xad ka hortagi kara in hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ku adeegtaan xilka ay hayaan?

Habka federaalka ay Puntland si adag ugu ololaysay kuna guuleysatay hirgelintiisa siyaasad ahaan waxaa sal u ahaa doodad maamul hoos laga soo dhisayo, hase ahaatee hadda waxay Soomaaliya leedahay dowlad kor laga soo dhisay oo aan cago adag ku taagnayn, aan dhowri karin hantida qaranka, u nugul weerarro kaga iman kara miliishiyo beeleed.
Dibindaabyo Qaran
May cadda sababta Soomaalidu uga aamustay go’aammada Rooble uu ku xalaalaynayo heshiisyada DP World ku maamusho dekedo Soomaaliyeed. Raalli-gelinta uu siiyay Imaaraadka Carabka saameynteedu kama duwana Heshiiskaii Is-afgarad oo ay dowladdii-ku-meelgaarka ahayd la saxiixatay Kenya 2009kii. Shirkad dowladda Imaaraddaku leedahay ayaa hadda fidisa inay maamusho dekado Soomaaliyeed, dowladda federaalka oo aan sinnaba heshiisyada dekedaha lagu maamulo kaalin ugu lahayn. Waa nasiibdarro in kaabayaasha qaranka Soomaaliyeed loo loogay shirkad ay leedahay dal gobollada Soomaaliya ula dhaqmaya sida xoogag uu shaqeeya oo wiiqaya qarannimada Soomaaliya.
Haddii xaalladdani jiri lahayd xilligii qabqablayaashu calanwallaynayeen ama xilligii Soomaaliya ay lahayd dowlad ku meel-gaar ah, waa la garan kari lahaa sababta Soomaalida dekadaheedu ugu dhaceen gacanta dowlad shisheeye. Soomaaliya oo leh dowlad la aqoonsan yahay ayay dekadaheedu isu rogeen hanti gaar ah oo ay siiyaasiyiintu ka kireeyaan dowlado shisheeye. Waa calaamadda ugu weyn oo muujinaysa in Soomaaliya aysan weli ka soo kaban burburkii dowladnimo kaddib markii la riday dowladdii keli-taliska ahayd sanadkii 1991kii.
Liibaan Axmad
You must be logged in to post a comment.