Ganacsatada waaweyn ee Puntland ayaa magaalada Boosaaso kaga dhawaaqay in ay dhisayaan dekedda magaalada Boosaaso.
Ganacsada ayaa arrintan ku shaaciyay kulan ay la qaateen qaar ka mid ah golaha wasiirada Puntland, waxayna dowldda ka codsadeen fududeynta dhismaha dekedda.
Ganacsatada ayaa sameeyay shirkad lagu magacaabo Wadajir oo ay u xilsaareen howsha dhismaha dekedda Boosaaso.
Ganacsatada ayaa si qoto dheer uga warbixiyay caqabadaha ka haysta dekedda Boosaaso iyo qorshaha ay ku doonayaan in ay ku dhisaan dakedda Boosaaso.
Qaar ka mid ah Isimada Puntland ayaa dhawaan soo jeediyay in dowladda Puntland ka laabato heshiiskii DP World, taas badalkeedana ay ganacsada reer Puntland iyo guud ahaan kuwa Soomaaliyeed dhistaan dekedda Boosaaso.
Bishii April 2017, Puntland iyo shirkadda DP World waxay kala saxiixdeen heshiis ku saabsan dhismaha iyo horumarinta dekedda Boosaaso, waxaana heshiiskaas lagu sheegay in shirkadda DP World ay mudda 2 sanno gudahood ah ku dhisayso dekedda Boosaaso, hase ahaatee tan iyo xiligaas wax shaqo ah lagama qaban dekedda Boosaaso.
PUNTLAND POST