Qaybta Afraad: fursadihii iyo Caqabadihii dawladdii Marxuum Cade Muuse Xirsi (2005-2008)

W.Q: Axmed Siciid Nuur

ahsnur77@gmail.com

Qormooyinkii hore waxaynu kaga soo hadalnay asaaskii Puntland iyo fikradihii la kala qabay, horumarkii maamulku sameeyey labadii sano ee ugu horeeyey, hirgelin la’aantii nidaamka qof iyo cod oo ay ahayd in la ambaqaado waqtigaas sida ku xusnayd axdi qarameedkii lagu heshiiyey 1998. Khilaafkii dastuuriga ahaa ee ka dhacay Puntland iyo muddo kororsigii uu sameeyey madaxweynihii xiligaas, saamayntii shirkii Carta ku yeeshay maamulkii Puntland, doorkii isimada ee xiligaas iyo go’aan ka gaaristoodii khilaafkii dastuuriga ahaa oo ay booskii Maxkamada dastuuriga buuxiyeen maadaama lagu guul daraystay in la asaaso xiligaas. La wareegiddii xukunka ee Guddoomiyihii Maxakamada sare Dr Yuusuf Xaaji Nuur ku dhawaaqay (July 2001) shirweynihii uu qabtay oo Madaxweyne loogu doortay Mudane Jaamac Cali Jaamac iyo Ku xigeenkiisii Axmed Maxamed Goonle (November 2001).

Markaas ka dib waxaan ka soo hadalnay dagaaladii sokeeye ee ka dhacay Puntland meelo kala duwan sida Garowe, jidka u dhexeeya Boosaaso iyo Qardho, Dhuudo, asaaskii jabhaddii Badbaadinta Puntland iyo ugu damayntii heshiiskii dhexmaray Marxuumiin Cabdullaahi Yuusuf iyo Maxamuud Muuse Xirsi Bishii May 2003 iyo dawladii wadaaga ahayd oo la dhisay heshiiskaas ka dib. Shirkii Impagaati iyo Marxuum Cabdullaahi Yuusuf oo halkaas Madaxweyne Soomaaliya ah u dalacay, Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi oo Madaxweyne Puntland ka noqday baynu soo xusnay iyo doorashadii uu qabtay oo ay ku tartameen isaga, Cade Muuse iyo Cabdiraxmaan Faroole, natiijadii oo noqotay in Cade Muuse noqdo Madaxweynaha Puntland baynu ugu damayntii ku soo kufinay markaas waa Bishii Janaayo 8 -2005.

Qormadaan waxaynu ku qaadaa-dhigi doonaa dawladii Cade Muuse caqabadihii iyo fursadihii ay la kulantay wixii qabsoomay guud ahaan iyo wixii qaldamay iwm. Waxaa muhiim ah inaan ogaataan dhalinyarooy xiligaas ka hor Puntland waxay soo martay dagaal sokeeye wasaaradihii dawlada oo markii hore xoogaa tisqaaday waa daciifeen xaalkuna waa adkaa, wax weliba waxay u ekaayeen sidii meel asaas ah laga bilaabayo wasaaradaha badankoodu ma lahayn xafiisyo ay ku shaqeeyaan, miisaaniyadu waa koobnayd.  Marxuum Cade Muuse wuxuu magacaabay dawlad 34 xubnood oo wasiiro, wasiiro ku xigeeno iyo hal wasiiru dawle ka kooban, markaan xoogaa waa korortay tiraddii wasaaradaha iyo wasiiradda intuba marka loo eego dawladii koobnayd oo la dhisay 1998 taasoo ka koobnayd Sagaal wasiir inkastoo markii dame wax lagu daray.

Marxuum Cade Muuse Xirsi doorashadii ay ku tartameen Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi iyo Cabdiraxmaan Faroole musuqmaasuqa la xiriira bixinta lacagta lagu bedesho codadka ma jirin ama waa yaraa xiligaas, ma jirin xildhibaano hunguri lacageed uu muhiim u ahaa inay codkooda ku bixiyaan.  Marxuum Cade Muuse markii la doortay kadib dawlad buu dhisay, dawladaas cusub oo uu dhisay wuxuu kala qaaday wasaraddii arrimaha bulshada oo caafimaadka iyo waxbarashada ka koobnayd wuxuuna ka dhigay laba wasaaradood anigu markaas mid ka mid ah oo ahayd Wasaaraddii waxbarashada ayaa wasiir la iigu magacaabay. Wasaaradda haweenka iyo arrimaha qoyska oo aan horay u jirin ayuu Marxuum Cade Muuse soo kordhiyey taasoo uu wasiirad uga dhigay Marwo Caasho Geelle. Arrinkaasu wuxuu markhaanti u yahay muhiimadda uu marxuum Cade Muuse siinayey qoyska iyo arrimaha haweenka.

In kasta oo ay duruufo adag jireen hadana waxaan dhihi karnaa mar labaad ayey hay’adihii dawladu dib u yagleelid bilaabeen, wasaardo badan ayaa markaas horumar fiican sameeyey oo ka mid ahaayeen wasaaradaha waxbarashada, Caafimaadka, Haweenka, hormarinta qoyska, wasaaradda dawaladaha hoose, qorshaynta iyo kuwo kale oo badan inta badan wasaaradaha dawladu waxay ku tiirsnaayeen deeq dibadeed taasoo illaa iminka jirta oo aan wax badani iska bedelin. Ciidamadii oo awalba ahaa kuwa dagaalo sokeeye ka soo baxay intoodii badnayd waxaa loo hayaamiyey xagaas iyo koonfur si ay dawladii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo markaas Jowhar degi rabtay ay xaga ammaanka uga caawiyaan. Arrinkaasu wuxuu dhib weyn u geystay Puntland oo awooddeedii ciidan iyo ammaankiiba ay aad hoos ugu dhaceen. .

Marxuum Cade Muuse wuxuu ahaa nin naxariis badan, calool xaaran oo wixii uu qabo aan qarsan wuxuu ahaa nin nabad jecel dadka u naxariista, inkasta oo uu ciidan ahaa hadana wuxuu ahaa nin aan xoog xal ku raadin, wuxuu ahaa nin ogol in wasiiraddiisu ka fikir duwanaan karaan waxaan xususstaa doodo adag oo golaha wasiiradda ka dhici jiray oo mararka qaar arrinta madaxweynuhu wato laga hor imaan jiray, midaas hadda waa isbedeshay oo waxaa igu maqaalo ah in Madaxweynayaasha afkooda wixii ka soo baxa wax ka duwan wasiirkii ku hadla uu si fudud xikiisa ku waayayo. Runtii Marxuum Cade Muuse waagaas waxaa soo wajahay xaalado caafimaad oo durba markii la doortay sababay in kelli laga bedelo xanuuno kelena waa u weheliyeen sidaas darteed wax badan wuxuu ku waday rag karrooni iyo dadaal.

Arrimaha dawalddii Marxuum Cade Muuse ay aad ugu dadaashay waxaa ka mid ahaa arrimaha bulshada oo wasaaradihii markaas jiray ay aad u dhaqaajiyeen iyagoo kaashanaya hay’adaha caalamiga ah dawladuna xoogaa miisaaniyaddii waxbarashada iyo caafimaadka waa kordhisay. Sidoo kale waxaa dawladaasu aad ugu dadaashay arrimaha kaabayaasha dhaqaalaha, Marxuum Cade Muuse wuxuu ku dadaalay dhismaha terminaalka garoonka Boosaaso sidoo kale wuxuu guddi u saaray bilaabista garoonka Garowe meesha uu hadda ka dhisan yahay oo horay loo siii calaamadiyey ayaa shaqo fiican laga qabtay, shirkad maxali ah oo kaashanaysa hay’adda duulista caalamka ayaa asaas shaqo oo fiican halkaas ka bilawday. Sidoo kale diyaarinta dastuurka ayaa iyadana guddii loo magacaabay maadaama uu jiray markaas dastuur uu Boosaaso ku ansixyey baarlamaankii halkaas fadhigiisu ahaa markii Cabdullaahi Yuusuf uu dagaalka kula jiray Jaamac Cali Jaamc iyo Jabhaddii Badbaadinta Puntland. Inkasta oo dastuurkaas diyaarintiisa meel fiican la gaarsiiyey hadana dawladaasu kuma guulaysan in ama baarlamaanku ansixiyo ama afti dadweyne lagu ansixiyo iyadoo bulshadda dad metala laga soo xulayo.

Arrimaha uu Marxuum Cade Muuse aad ugu dadaalay waqti badana uu geliyey waxay ahayd inuu raadiyo maalgeshi dibadeed wuxuu aaminsanaa in dhibta ugu weyn ee jirtaa ay tahay dhaqaale xumo haddii dhaqaaluhu hagaagana wax walba ay hagaagi doonaan sidaas darteed isaga iyo wasiirkiisii qorshaynta xiligaas Mudane Cabdiraxmaan Faroole waxay wada hadalo kula yeesheen Imaaraadka shirkad la oran jiray  (Range Resources) oo Puntland ay heshiis la gashay si ay maalgelin iyo suuq ugu raadiso khayraadka macdanta ee Puntland dhex ceegaaga shirkadaas markii heshiiska la saxiixi lahaa ayaa looga baahday saxiix ama ogolaansho dawladii fedraalka ku meel gaarka ahayd ee xiligaas oo Marxuum Cabdullaahi Yuusuf madaxweynaha ka ahaa, hase yeeshee Marxuum Cabdullaahi wuxuu codsaday in Mudane Gaagaab oo markaas wasiirka Maaliyadda Puntland ahaa hawsha wax ka ogaado taas oo uu ka carooday Mudane Faroole isla markaasna uu ka soo baqoolay imaaraadka kuna soo laabtay Puntland.

Heshiiskii waa la soo saxiixay dawladda federaalka oo ku meelgaarka ahaydna way aqbashay, hase yeeshee buuq ayaa ka dhashay gudaha Puntland uu hormuud ka ahaa wasiirkii qorshaynta ee xiligaas kaasoo sharci daro iyo xaaraan ku tilmaamay heshiiskaas dawladda Puntland la gashay shirkadaas Range Resources, waxaana xasuustaa iyadoo shirka golaha wasiiradda la fadhiyo ayaa Madaxweynihii warbixin dheer ka bixiyey heshiskii ay soo galeen,  Wasiirkii maaliyadda ayaa isaguna sidaas oo kale sharaxay faa’iidada heshiskaas u leeyahay Puntland hase yeeshee wasiirkii qorshaynta Cabdiraxmaan Faroole oo heshiiska la socday ayaa ku tilmaamay mid xaaraan ah oo sifo qaldan lagu galay. Dood iyo dood celis bay labadaas dhinac fooda is dareen shirka dhexdiisii. Marka xaalku halkaas maraayo ayaa dhowr xubnood oo golaha wasiiradda ka tirsanaa codsadeen in waxa laga murmaayo iyagu aysan wax hadal ku darsan karin illaa inta looga qaybinaayo nuqul hesshiiska ka mid ah oo marka ay soo akhristaan ka dib ay ra’yi ka dhiiban doonaan. Madaxweyne Cade Muuse ilaahay ha u naxariistee amar buu ku siiyey Agaasimihiisii Madaxtooyada inuu xubnaha golaha wasiiradda nuqul siiyo xubin kasta si ay u soo akhriyaan hase yeeshee taasu ma dhicin ajende dame oo arrintaas ku saabsana shirka golaha wasiiradda lama keenin lagamana hadlin arrintaasu waayaddi dame xataa xukuumadihii dame ma dhicin heshiis noocaas oo kale ah in baarlamaanka iyo golaha wasiiradda labadaba si daahfuran loogu soo bandhigo waana dhibaato haysata Puntland illaa hadda.

Heshiiskaas shirkadda Range Resources wuxuu Puntland u abuuray cadow dibadeed ka dib markii ay shirkadaasu si fiican caalamka xayeysiin badan u samaysay khayraadka ku duugan Puntland waxaan xasuustaa waraysi ay siisay shirkaddaasu barnaamijka (Counting the Cost) oo Aljazeera English si asbuucle ah uga baxa laguna falanqeeyo arrimaha dhaqaalaha in ay ku baahisay shidaalka dhex ceegaaga geyiga Puntland iyadoo markaas u soo bandhigaysa maalgeshayaal caalami ah. Sidoo kale buuq badan wuu ka abuuray gudaha Puntland waxaan xasuustaa dagaal ka dhacay Majiiyahayn oo Boosaaso u dhow halkaas oo lagu sheego inay macdan badani ku jirto in shacab halkaas dega iyo ciidamo dawladda ah uu dagaal dhexmaray iyadoo markaas dawladu rabtay inay meeshaas geyso khubaro ajaanib ah oo ka sameeya  sahamin xaga macdanta ah, khilaafka halkaas ka abuurmay waa kan waaga dame ku baahay illaa buuraha Galgala iyo  kooxo xag jir ah oo halkaas ka abuurmay, dada badan oo mucaarad ku ahaa Marxuum Cade Muuse ayaa si qaldan fidnooyinkaas usii falkiyey illaa ay gaartay meel  aan laga soo qaban karin oo hada ah mid ka mid ah caqabadaha amni xumo oo illaa maanta haysta Puntland.  

Caqabada kale oo aad u weynayd oo soo wajahday Puntland xiligaas waxay ahayd arrintii burcad badeeda oo meel xun gaartay dad badan ayaa u arkay fursad deg deg looga xoolaysan karo oo ku adduun iyo aakhiro seegay kuwo badan ayaa iyagoo dawlada ku xumaynaya burcad badeeda si toos ah iyo si dadbanba u taageeri jiray. Burcad badeedu aniga aragtidayda waxaa sabab u ahaa laba arrimood waa tan kowaade waxay ahayd kulluumaysiga sharci darada ah iyo boobka lagu hayey badeena taasoo dad dano badan ka lihi ay siyaabo kala duwan uga falceliyeen qaar baa u arkayey fursad ay daliil uga dhigtaan qabsashada maraakiibta ajnabiga ah iyaga oo aan qabsanayn kuwa kalluumaysiga sharci darada ah samaynaya ee qabsan jiray kuwa xamuulka oo sida caadiga ah oo sharciga waafaqsan u gooshaya badda soomaaliya maadaama aynu ku naal meel marin badeed ah oo gaadiidka badda ee caalamku uu aad u adeegsado.

Midda labaad ayaa hayd sumcad dil lagu samaynayey Puntland gaar ahaan iyo guud ahaan Soomaaliya maadaama ay shirkadii Range Resources xayeysiin badan ka samaysay adduunka oo maalgashdayaal badani u hanqal taageen ayaa arrinkaasu danley kale u cuntami waayey. waxaa markaas jiray Maraakiib dawlado shisheeye leeyihiin oo si dadban u taageeri jiray burcad badeeda khaas ahaan dhinaca lacag kala gudbinta, sahayda iyo macluumaad bixinta ka hor intaan golaha ammaanku soo saarin qaraarkiisu loogu xilsaaray in maraakiib dawlado shisheeye ilaaliyaan badda Soomaaliya xasaanaddii qaranimda Soomaliyeed ee badeedana lala wareegay maadaama isu socodkii gaadiidka badda ee adduunku uu halis galay. Aniga oo markaas ahaa Wasiirka kalluumaysiga iyo Dekedaha waxaan xasuustaa qayladii badnayd iyo wareysiyaddii aan siin jiray idaacadaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah anigoo markaas dadkii burcad badeedka taageerayey uga digaya inay taageeraan burcad badeeda waxyaalihii aan xasuusto hadana laga heli karo keydka warbaahinahaas waxay ahayd haddii sidaani sii socoto waxaad fursad siinaysaan dawlado shisheeye inay la wareegaan baddeena arrintaas oo markii dame dhab noqotay illaa hadda badda Soomaaliya waxaa ilaaliya oo gacanta ku haya dawlado aduunka ah inkastoo la sheegay dhowaan in hawlgalkaasu soo afjarmi doono.

Dhalinyaro badan ayaa hawlgaladaas ku dhintay qaarbaa xabsiyo u galay kuwo kale ayaa illaa hadda u xiran qaar baan meel ay jaan iyo cirib dhigeen aan illaa hadda la sheegi karin waxay ahayd dhibaato soo wajahday dadka Soomaaliyeed laakiin iyagu ay gacantooda ku samaysteen maadaama si qaldan loo fasiray arrinta la xiriirta kalluumaysiga sharci darada ah iyadoo qiil looga dhiganayo abuurista iyo  taageerista burcad badeednimada si dano gaar ah oo xoolaysi deg deg ah salka ku haysa loo meel marsado ama dawladda lagu xumaynayey  si sumcadda looga dilo.

Caqabada kale oo xusida mudan soona wajahday dawladdaas waxay ahayd qabsashadii Laascaanood ay qabsatay Somliland taasoo ay keentay awooddii ciidamadda difaaca Puntland oo daciiftay maadaama xoogooddii u wareegay dhinaca federaalka, mida labaad oo ahayd kala qaybsnaan siyaasadeed oo dhex martay dadka gobolkaas degan iyo tan sadexaad oo ahayd faragelin ay samaysay dawladdii Ethopia markaas ka jirtay oo ku qanacday in danteedu ku jirto in Somaliland qabsato halkaas iyadoo ku taageertay hub iyo saanad maamulkii Somaliland si uu Laascaanood ula wareego.  

Maxakamadihii Islaamiga ahaa oo ka samaysmay koonfurta Soomaaliya ayaa iyaguna ahaa khatar weyn oo Puntland soo wajahday maadaama Maxakmadaha iyo dawladdii federaalka ee ku meel gaarka ahayd uu dagaal ka dhexeeyey Puntlandna ay ahayd halka laga taageero dawladaas maxakamaduhu waxay mar u soo dhaqaaqeen xagga Puntland iyagoo soo gaaray meel Gaalkacyo waxyar u jirta Marxuum Cade Muuse wuxuu abaabulay culimo markaas aad looga yaqaanay Soomaaliya oo ka soo jeeda deegaanada Puntland waxaan ka xasuustaa ilaahay ha u naxariistee Sheekh Cabdulqaadir Niur Faarax iyo rag kale, guddi culimadaas ka kooban ayaa Xamar uu aaday inay maxakamadaha ka dhaadhiciyaan inysan Puntland duulaan ku soo qaadin hase yeeshee ragaas waxaa xujo looga dhigay in Puntland ku dhawaaqdo inay qaadatay shareecadda islaamka warkaas markii la soo gaarsiiyey marxuum Cade Muuse si fudud buu uga sheegay BBC-da in shareecadda islaamka lagu dhaqayo Puntland isagoo farsamo ahaan uga jeeda iskana fogeynaya weerar xaggaas uga yimaada, arrinkaasu duulaankii maxkamaduhu ku soo wadeen waa hakiyey qiil ay ugu soo duulaan Puntland waa waayeen. Hase yeeshee dawladdi Ethopia markaas ka jirtay oo ciidamo ka joogeen gudaha Soomaaliya ayaa markiiba ciidan ku soo xoojisay Puntland dabadeedna maalmo ka dib dagaal xun baa lagu qaaday maxkamdihii joogay gobalada dhexe sidaas baana khatartii maxkamadaha laga baqaayey ay ku baaqatay.

Arrinta kale oo xusida mudan oo ahayd qalad weyn oo markaas dhacay ayaa ahayd daabacaadii shilinka Soomaaliga iyo sicir bararkii ay abuurtay waxay ahayd markii kowaad oo lacag shilin Soomaali ah lagu daabaco Puntland gudaheeda taas oo sicir barar badan ka abuurtay wadanka inkasta oo markii dame dawladu joojisay ka dib markii xaalku meel adag gaaray hadana arrinkaasu wuxuu keenay dhib badan oo dhaqaale.  Markii kowaad waxay ahayd xiligii Cabdullaahi Yuusuf inkasta oo taas dibada lagu soo daabacay diyaaradana lagu keeni jiray waxay ahayd mid xoogaa xakamaysan marka loo eego middii Boosaaso gudaheeda lagu daabacay oo aan soo xusnay laakiin mar walba in lacag la daabacaa waa sharci daro isla markaasna waa arrin dhibaato ku ah dhaqaalaha soona dedejisa dhaqaale bur bur iyo danyarta oo noloshoodu meel adag gaarto. Markii sadexaad oo lacag la daabaco waxay ahayd xilligii madaxweyne Gaas oo aynu qormooyinka soo socda ku xusi doona haddii ilaah idmo.

Marxuum Cade Muuse xilligiisii barnaamijka qof iyo cod hawl lagama qaban markii waqtigii soo dhowaana baarlamaankii ayaa fariistay oo lifaaq sameeyey uu ku baaqayo in doorashadii reeraha ay tahay xalka keliya oo furan sidaas buu Marxuum Cade Muuse ku qalqaaliyey doorasho taasoo qabsoontay Janaayo 8-2009 oo ay ku tartameen Cade Muuse, General Ilko Jiir, Cabdiraxmaan Faroole iyo rag kale, doorashadaas waxaa ku guulaystay oo Madaxweyne Puntland loogu doortay Mudane Cabdiraxmaan Faroole oo xilka hayey illaa Janaayo 8-2014. Marxuum Cabdullaahi Yuusuf oo xiligaas iska soo casilay Madaxweynihii federaalka ayaa isaguna Garowe joogay wuxuu ku dadaalay inuu Madaxweyne noqdo General Cabdullaahi Jaamac Ilkajiir oo ay ciidan isla ahaayeen hase yeeshee Generaalku kaalinta labaad buu galay oo Cabdiraxmaan Faroole ayaa ka badiyey inkasta oo markii dame uu wasiirkiisii arrimaha gudaha u magacaabay oo uu la shaqaynayey illaa dhamaadkii xukunkiisa.

Hadaba maxaynu ka baran karnaa marxaladaas iyo taariikhdaas kooban oo aan ka waramay?

Waxaan is leeyahay waxaynu ka baran karnaa in soo saarista khayraadka dabiiciga ah iyo ka faa’iidaysigiisu ay tahay arrin xasaasi ah loona baahan yahay marka hawshaas la gelaayo in si taxadar ku jiro loo maareeyo, dawlad goboleed keligeed inaysan ku filnaan karin maareynta howshaas iyo dhibaha ka imaan kara, in loo baahan yahay xasilooni iyo amni ka hor intaan hawshaas lagu dhaqaaqin iwm. Dhibaatada buuraha Galgala illaa hadda ka jirtaa waxay asalka ka abuurantay khilaaf macdaneed hase yeeshee markii dame wajiyo kale ayey yeelatay. Ugu damayntii waxaynu ka baran karnaa in burcad badeedu ahayd masiibo dadkaan mar ku habsatay ilaahayna laga baryo inaysan dib inoogu soo noqon hawl burcad badeednimo. Ugu dmayntii in Madaxweynaha la doorto Janaayo sideeda waxaa bilaabay Marxuum Cabdi Xaashi sidaas baana qori isu dhiibkaasu illaa maanta ku socdaa.

Axmed Siciid Nuur

Email: ahsnur77@gmail.com 

Mobile 0907797081