Jabuuti ayaa Soomaaliya kaga guuleysatay xubinimada Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika, saddexda sano ee soo socota.
Codeynta Golaha ayaa galabta ka dhacday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxayna Jabuuti heshay 19 cod, halka Soomaaliya heshay 13 cod.
Safiirka Soomaaliya ee dalka Itoobiya Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir) oo ka hadlay natiijada ka soo baxday codeynta ayaa sheegay in Soomaaliya ay haysteen dhibaatooyin badan, hase ahaatee ay meel wanaagsan gaareen, marka loo eego saddonkii sano ee la soo dhaafay.
Ilko jiir ayaa ugu hambalyeeyay Jabuuti xubinimada Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika.
PUNTLAND POST