Doorashada afar kursi oo maanta ka dhacaysa magaalada Dhuusamareeb

Doorashada afar kursi, oo kamid ah Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu wadaa in maanta lagu qabto magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Kuraastaas waxa ku tartami doono musharrixiin gaaraya 10 qof, oo qaarkood haween yihiin, sida uu shaaciyay Guddiga Hirgelinta Doorashada heer Dowlad Goboleedka Galmudug.

Afarta kursi waxaa horay ugu fadhiyay:

Hop#139 Cabdixakiin Macalin Axmed Maalin, Hop#049 Mustaf Sheikh Cali Dhuxuloow, Hop#051 Xasan Macalin Maxamud Sh.Cali iyo Hop#061 Cabdiweli Maxamed Qanyare

PUNTLAND POST