
Muqdisho (Wararka PP) — Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo hadda booqasho ku jooga Imaaraadka Carabta, ayaa la kulmay Maxamed bin Zayed, dhaxalsugaha Imaaraadka. Inkastoo sawirka laga qaaday kulanka uu u muuqdo mid is waraysi ah, Rooble wuxuu u dhexeeyaa Mohamed bin Zayed bin Sultan Al Nahyan iyo nin Imaaraati ah oo qoraya waxa Rooble iyo Maxamed ka wada hadlayaan.
Waa mid ka mid ah hab maamuuska siyaasadeed in xoghaynta madaxda labada dal ay goobta joogaan ama ka maqnaadaan. “Waxaa jiri karta halis ah in Imaaraadku ka beensheegi karo nuxurka waxa dhexmaray labada mas’uul. Haddii kulanku ahaa mid aan rasmi ahayn, Waxay ahayd Rooble inuu shaki ka muujiyo dhex fadhiisashasa dhaxalsugaha iyo xoghayntiisa” ayuu yiri diblomaasi Soomaaliyeed oo halwgab ah.
Rooble ayaa si lama-filaan ah bishii hore go’aan sharcidarro ah uga gaaray lacag Imaraadku si baalmarsan sharciga u soo gelinaysay Soomaaliya 2018kii. Rooble wuxuu u ballanqaaday Imaarada in lacagta loo soo celin doono isagoo ka raalligeliyay falkii ciidammada nabadsugidda Soomaaliyeed ku qabteen lacagta dhan 9.6 milyan oo doollar.
© Puntland Post, 2022
You must be logged in to post a comment.