Qarax dad lagu dilay oo ka dhacay gudaha Kenya

Lix qof ayaa geeriyootay kadib markii gaari rakaab ah oo ay la socdeen uu maanta burburiyey qarax intuu uu socday weerar gaadmo ah oo ay soo qaadeen koox hubeysan, waqooyiga bari ee dalka Kenya, meel ku dhow xuduudda Soomaaliya, sida ay sheegeen booliska.

Kooxda weerarka soo qaaday ayaa rasaas ku furay gaariga kadib markii uu dul maray miino dhulka lagu aasay, meel 8 km u jirta magaalada Mandhera.

Lix qof ayaa la dilay intii uu socday weerarka lagu qaaday gaariga. Waxaa socda howlgal lagu soo qabanayo kooxda weerarka soo qaaday,” waxaa sidaas yiri afhayeenka booliska qaranka Bruno Shioso.

Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

PUNTLAND POST