Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland ayaa Guddoonka ka dalbaday in Golaha la fariisiyo Kulan deg deg ah oo ku saabsan xaaladda ka jirta Puntland.
Xildhibaannada oo u badan kuwa mucaaradsan Xukuumadda Madaxweyne Siciid Deni ayaa sida wararku sheegayaan diyaarinaya mooshin aan weli faahfaahin laga helin ujeedkiisa.
Xildhibaannada qaarkood oo Puntland Post la soo xiriiray ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin xaaladda jirta islamarkaana ay doonayaan in Puntland la badbaadiyo.
Sidoo kale waxay sheegeen in Guddoonka Baarlamanku aysan weli aqbalin codsiga ka yimid xildhibaannada ee ku saabsan in Golaha la fariisiyo Kulan aan caadi ahayn.
PUNTLAND POST