Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa magacaabay wasiiro cusub oo ka tirsan Xukuumaddiisa.
Dikreeto ka soo baxday Xafiiska Lafta Gareen ayaa lagu magacaabay saddex wasiir oo kala ah; Wasiirka dekedaha Wasiirka, Boostada iyo Wasiirka Kalluumeysiga.
Wasiirka dekedaha ayaa loo magacaabay Aweys Xuseen Macallin, halka Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta loo magacaabay Cabdullaahi Sheekh Daahir Muxiyadiin.
Sidoo kale Wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda ayaa loo magacaabay Cabdullaahi Cabdi Cumar.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.