Rooble: Ma jiro musharrax gaar ah oo aan wato

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa caddeeyay in uusan  musharrax gaar ah u wadin doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sidoo kale sheegay in uusan isna u sharraxnayn xilka madaxtinimada dalka balse keliya uu doonayo hirgelinta doorashada.

“Aniga shakhsi ma wato, waan idiin sheegayaa, kursina idin kama rabo, in la idin dulmiyana ma rabi” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha oo kulan la yeeshay odayaash beelaha Banaadiriga.

Kulanka oo ku saabsanaa hufnaanta doorashada kuraasta Banaadiriga waxa Ra’iisul wasaaraha ku weheliyay xubno ka tirsan guddiga doorahooyinka dadban.

Halkaan ka daawo hadalkiisa

PUNTLAND POST