Ra’iisul wasaare Rooble oo u safray dalka Imaaraadka Carabta

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay waddanka Imaaraadka Carabta.

War kooban oo ka soo baxay xafiiskiisa ayaa lagu sheegay in Ra’iisul wasaare Rooble kulamo la yeelan doono madaxda u sarraysa dalka Imaaraatiga .

Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in kulamadaas looga hadli doono xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada waddan ee Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Safarka ayaa ku soo beegmay xillu dhowaan Ra’iisul wasaaruhu raalli-gelin ka bixiyay lacagtii 2018 Muqdisho lagaga xannibay dowladda Imaaraadka.

PUNTLAND POST