Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hawgal qorshaysan ka fuliyay magaalada Garbaheerey ee xarunta Gobolka Gedo.
Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo ay weheliyaan Booliis iyo Nabad-sugid ayaa hawlgalkaas ka sameeyay xaafado ka tirsan degmada Garbahaarey.
Hawlgalka ayaa sida wararku sheegayaan lagu qabtay dad badan oo looga shakiyay kooxaha Al-shabaab kuwaas oo baaritaano lagu hayo.
Wararka qaar ayaa sheegaya in dadkii la qabtay qaarkood damiin lagu sii daayay kadib markii baaritaan dheer lagu sameeyay.
PUNTLAND POST