Doorashada shan kursi oo saaka ka dhacaysa Baydhaba

Doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay saaka ka dhacdo magaalada Baydhabo ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Doorashada shan kursi ayaa sida qorshaysan lagu qabanayaa Baydhaba waxaana inta badan kuraastaas ku tartami doona xildhibaanno cusub maadaama xildhibaannadii horay ugu fadhiyay aysan ku jirin tartanka.

Kuraasta lagu tartamayo ayaa kala ah:

Hop#188 oo uu horay ugu fadhiyay xildhibaan Aaden Ibraahim Dhayow, Hop#185 waxa ku fadhiyay xildhibaan Cali Aaden Xuseen, Hop#175 oo uu ku fadhiyay Axmed Xaaji Maxamed Taaw Hop#159 Xasan Ibraahim Maxamed iyo Hop#177  Ibraahim Isxaaq Yaroow.

PUNTLAND POST