Madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku booriyay hogaamiyayaasha caalamka inay sare u qaadaan cadaadiska saaran taliska militariga Myanmar si ay u joojiyaan rabshadaha ka dhanka ah dadka dalkaasi isla markaana si deg deg ah loo soo celiyo xukunka rayidka.
Ku dhawaad hal sano ayaa laga joogaa markii millatarigu la wareegeen awoodda dalka, madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay, Michelle Bachelet ayaa sheegtay in dadka waddanku ay bixiyeen qiimo aad u sarreeya marka loo eego nolosha iyo xorriyadda luntay.
Michelle Bachelet waxay sheegtay inay la hadashay qaar kamid ah difaacayaasha xoriyada madaniga ah ee Myanmar kuwaas oo ka baryaya beesha caalamka inaysan ka tagin.
Milateriga Myanmar ayaa xukunka la wareegay 1-dii bishii February ee sanadkii hore, iyaga oo meesha ka saaray dowladdii rayidka ahayd, waxayna xireen hoggaamiyihii rasmiga ahaa, Aung San Suu Kyi.
PUNTLAND POST