Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta safar ugu baxay magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya.
Safarka Madaxweyne Deni ugu baxay magaalada Nairobi ayaa la xiriira Arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya sida ay xaqiijiyeen dad lagu kalsoonyahay.
Siciid Deni oo u sharraxan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay olole ugu jira hirgelinta damaciisa Villa Somalia.
Safarkaa ayaa ku soo beegmay xilli ay dalka ka socoto Doorashada Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.
PUNTLAND POST