Guddiga doorashada heer dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa shaaciyay qabashada doorashada kuraasta ugu horreeysa ee Golaha Shacabka ee lagu dooranayo Magaalada Baraawe.
Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada ayaa lagu soo bandhigay Liiska 13-ka kursi ee doorashada Golaha Shacabka ee ka dhaceysa Magaalada Baraawe oo ah deegaan doorashada labaad ee horay loogu qorsheeyay maamulka Koonfur Galbeed.
Sidoo kale Guddiga doorashada ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay shaacin doonaan Odayaasha dhaqanka iyo Bulshada Rayidka ee soo xulaya ergada wax dooraneysa, ayna soo saari doonaan Jadwalka doorashada 13-ka kursi.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.