Doorashada Golaha Shacabka (Aqalka Hoose) ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa si gaabis ah uga socota magaalada Muqdisho iyo dowlad goboleedyada, waxaana ilaa hadda la doortay 75 kursi oo ka mid ah 275 kursi, waxayna u dhigan tahay in 27% la doortay xildhibaannada Golaha Shacabka. Kuraastaas waxaa haweenku ka heleen 15 kursi.
Kuraasta gobolada Waqooyi (Somaliland) oo ka kooban 46 kursi laguna dooranayo magaalada Muqdisho ayaa ilaa hadda la doortay 24 kursi. Koonfur Galbeed oo ay taallo kuraas dhan 69 waxaa ilaa hadda la doortay 19 kursi. Jubaland oo ay taallo 43 kursi waxaa la doortay 15 kursi. Puntland oo ay taallo 37 kursi waxaa la doortay 9 kursi. Halka Galmudug oo ay taallo 37 kursi la doortay 8 kursi.
Kuraasta taalla Hirshabeelle oo dhan 38 kursi iyo Banaadiriga oo taalla Muqdisho oo dhan 5 kursi ayaa weli doorashadooda la bilaabin.
Xildhibaannada lagu doortay Muqdisho
1. Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar)
2. Biixi Iimaan Cige
3. Maxamed Cabi Xayir (Maareeye)
4. Aamina Cumar Jaamac
5. Faadumo Xasan Cali
6. Maxamed Haaruun Cabdullaahi
7. Axmed Cismaan Diiriye
8. Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar
9. Jaamac Maxamed Askar
10. Guuleed Biixi Cabdi
11. Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan
12. Cabdullaahi Cismaan Aadan
13. Khadra Maxamed Tukaale
14. Cabdiraxmaan Maxamed Suge
15. Ayuub Ismaaciil Yuusuf
15. Cilmi Maxamed Nuur
17. Maxamed Xuseen Haadi
18. Caasho Koos Maxamuud Cumar
19. Cabdullaahi Xaashi Abiib
20. Nasra Saalax Cabdi
21. Sulaymaan Cali Xuseen
22. Siciid Maxamed Maxamuud
23. Ifraax Maxamed Cawad
24. Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir.
Xildhibaannada lagu doortay Koonfur Galbeed
1. Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan
2. Maxamed Aadan Nuur (Saransoor)
3. Fowsiyo Maxamed Sheekh
4. Maxamed Cali Xasan
5. Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)
6. Cabdirisaaq Xaaji Cabdi (Midnimo)
7. Nuura Mustaf Muqtaar
8. Saadaad Maxamed Nuur Aliyow
9. Aamina Maxamed Mursal
10. Sareeda Maxamed Cabdala
11. Cabdullaahi Aadan Axmed (Black)
12. Xasan Cabdinuur Cabdi
13. Shariif Maxamed Cabdullaahi
14. Maxamed Mursal Maxamuud
15. Maxamed Wardheere Aadan
16. Maxamed Aadan Maxamed
17. Maxamed Jaamac Mursal (Geelle)
18. Isaaq Maxamuud Mursal (Fanax)
19. Siid Cali Isaaq Maxamed
Xildhibaannada lagu doortay Jubaland
1. Xamse Cabdi Barre
2. Cabdirashiid Jire Qalinle
3. Xasan Cabdi ismaaciil (Xasan Firinbi)
4. Maxamed Cali Cumar Caana-nuug
5. Maryan Aweys Jaamac
6. Sahra Jaamac Cali (Qoorsheel)
7. Cumar Ibraahim Xasan
8. Maxamed Sheekh Nuur Cismaan
9. Asad Cabdirisaaq Maxamed
10. Cabaas Cali Ibraahim
11. Cabdinuur Cali Aadan
12. Siciid Maxamed Cali
13. Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eeley)
14. Axmed Aadan Axmed
15. Yuusuf Maxamed Ismaaciil
Xildhibaannada lagu doortay Puntland
1. Cabdi Ibraahim Qowdhan
2. Cabdullaahi Xasan Rooble
3. Cali Yuusuf Cali Xoosh
4. Cabdullaahi Bidhaan Warsame
5. Axmed Cabdi Xaashi (Taajir)
6. Maxamed Cabdiraxmaan Axmed (Xayle)
7. Xirsi Jaamac Gaani
8. Fardowsa Cismaan Cigaal
9. Cabdiqafaar Cilmi Xaange
Xildhibaannada lagu doortay Galmudug
1. Mahad Cabdalle Cawad
2. Yuusuf Geelle Ugaas
3. Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Farey)
4. Xuseen Qaasim Yuusuf (Xuseen Idow)
5. Cabdishakuur Cali Mire
6. Saadaq Cumar Maxamed (Saadaq Joon)
7. Maxamed Ibraahim Cali (Maxamed Cajiib)
8. Qaali Axmed Diiriye
Hadba halka ay marayso doorashada Golaha Shacabka kala soco Puntlnd Post.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.