
Lix ruux ayaa ku geeriyooday, saddex kalena waa ku dhaawacmeen, shil gaari oo maanta ka dhacay laamiga u dhexeeya tuulooyinka Salaama iyo Libaaxa, oo ka tirsan Gobolka Nugaal.
Mas’uuliyiinta Gobolka Nugaal iyo Saraakiisha Booliiska, oo gaaray goobta shilkaas ka dhacay, ayaa xaqiijiyay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca shilka.
Mas’uuliyiinta ayaa gurmad u fidiyay dadkii ku dhaawacmay shilka, waxaana loo qaaday isbitaalka guud ee magaalada Garoowe.
Shilalka gaadiidka ayaa muddooyinkan dambe ku soo badanaya jidka laamiga ah, ee u dhexeeya caasimadda Garoowe iyo degmada Dangoroyo ee Gobolka Nugaal.






PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.