
Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Nugaal G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Saka Shir guddoominayey kulan ay ka wada qeyb galeen Dhamaan Sarakiisha Booliska Garowe.
Shirkaas ayaa ku saabsana Xoojinta iyo muhiimadda ay u leedahay wada shaqeynta dhinacyada kala duwan ee ammaanka iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in la dardargeliyo istiraatiijiyadda amniga si looga hortago falalka dhibaatada ku ah amaanka.
Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal ayaa warbixino ka dhagaystay Taliyaasha saldhigyada iyagoona ka warbixiyay amaanka guud ee Caasimada.
Kulanka ayaa inta uu socday waxaa laysla qiray in amaanka guud uu yahay mid 100% aad u wanagsan wax dhib ahna aysan xiligan jirin.
Taliyaha ayaa si gaar ah ugula dar-daarmay Saraakiisha amniga in ay adkeeyaan wada shaqeynta dhanka amniga ee ay la leeyihiin bulshada Degmada Garowe taas oo muhiim u ah qorsheyaasha xasilinta Gobalka Nugaal.
Taliyaha Qaybta ayaa u mahadceliyay bulshada siday lamaha amaanka ula shaqeyaan isagoona sido kale u mahadceliyay Saraakiisha Ciidamada ee shaqada wada.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.