Saadaq Joon oo xildhibaan loo doortay

Saadaq Cumar Xasan (John) ayaa maanta loo doortay inuu ka mid noqdo Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Doorashadiisa ayaa ka dhacday magaalada Dhuusamareeb waxaana uu 81 cod kaga guulaystay Cabdullaahi Xirsi Diirshe oo la tartamay islamarkaana helay 17 cod.

Saadaq John oo ahaa taliyihii ciidamada booliska Gobolka Benaadir, ayaa xilka iyo derajada Sarrreeye Guuto laga qaaday bishii April ee sanadkii hore, kadib markii uu sheegay in uu hor istaagay fadhi uu lahaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaas oo uu ku eedeeyay inay doonayeen muddo kororsi uu ku tilmaamay in uu ahaa sharci darro.

PUNTLAND POST