
Labada urur siyaasadeed ee Mideeye iyo Cadaalad& Sinnaan, oo saaka shir jaraa’id ku qabtay Garoowe, ayaa si adag uga hadlay dib u dhaca ku yimid doorashadii saddexda degmo ee Qardho, Eyl iyo Ufayn.
Xubno ka tirsan labadaas urur, oo saxaafadda siiyay hadal aan weli la baahin ayaa eedayn kulul u jeediyay madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole.
Waxay sheegeen in Cabdiraxmaan Faroole gaadiid dagaal geeyay degmada Eyl ee Gobolka Nugaal, si aysan doorasho uga dhicin, islamarkaana sabab u yahay dib u dhaca doorashada.
Labada urur ayaa sidoo kale xukuumadda Puntland ku eedeeyay in ay raalli ka tahay tallaabada uu qaaday madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, si doorashada loo joojiyo.
Arrintaas ayaa ku soo beegmatay xilli dib u dhac ku yimid doorashadii guddoomiyaasha saddexda degmo ee Qardho Eyl iyo Ufayn oo loo ballansanaa in maanta la qabto.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.