Doorasho natiijadeeda la ogyahay oo ka socota Garowe

Waxaa xerada ciidamada 54-aad ee Garowe ka socota doorashada afar kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Doorashada ayaa ah mid natiijadeeda la ogyahay, sidaan horay u baahinay, maadaama musharaxiin gaara loo xiray kuraasta.

Kursiga kowaad oo sumadiisu tahay Hop#128 ee Beesha Carab Saalax, oo laga soo doorto Gobolka Nugaal/Garowe, waxaa durba ku soo baxay Maxamed Cabdiraxmaan Axmed Xayle. Waxaa horay ugu fadhiyay Maxamed Cabdikaafi Maxamed.

Kursiga labaad oo sumadiisu tahay Hop#223 ee Beesha Awrtable, lagana soo doorto Gobolka Nugaal/Buurtinle, waxaa ku soo baxaya Wasiiru-dowlaha Maaliyadda Jubaland Xirsi Jaamac Gaani. Waxaa horay ugu fadhiyay Cabdiraxmaan Axmed Jaabir.

Kursiga saddexaad oo sumadiisu tahay Hop#232 ee Beesha Leelkase lanaga soo doorto Gobolka Mudug/Galdogob, waxaa ku soo baxaya Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland Fardowsa Cismaan Cigaal. Waxaa horay ugu fadhiyay Cabdirashiid Daahir Gaboobe.

Kursiga afraad oo sumadiisu tahay Hop#144 ee Beesha Reer Biciidyahan (Majeerteen), lagana soo doorto Gobolka Mudug/ Cagaaran, waxaa ku soo baxaya Wasiirka Qorshaynta Puntland Cabdiqafaar Cilmi Xaange. Waxaa horay ugu fadhiyay Faysal Cabdulle Guuleed.

PUNTLAND POST