
Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in saaka halkaas lagu dilay taliye hore oo Ciidamada Puntland.
Taliyihii hore ee Kaantaroolka Boosaaso, Barkhad Guduudane Buryar ayaa koox hubeysan oo aan haybtooda weli la aqoonsan ay ku dishay bartamaha magaalada Boosaaso.
Saraakiisha Laamaha Amniga ayaa Puntland Post u sheegay in aysan jirin weli cid loo qabtay dilkaas balse ay wadaan hawlgal baaritaan ah.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.