Qaybtii hore waxaynu ka sheekeenay dadaalkii marxuum Cabdullaahi Yuusuf oo la doortay 23 bishii Lixaad 1998 uu ka sameeyey dhismaha iyo horumarinta maamulka Puntland illaa kowdii bisha 7aad 2001 markaas oo uu marxuum Yuusuf Xaaji Nuur ku dhawaaqay inuu la wareegay taladdii dalka, khilaaf dastuuri ahna uu dhashay xiligaas, waxaynu kale oo ka hadalnay, saamayntii shirkii Carta iyo dawladii Carta labaduba ku yeesheen maamulkii Puntland ee xiligaas, waxaynu xusnay doorkii isimada iyo garnaqoodii ku saabsanaa khilaafkii dastuuriga ahaa taas oo marxuum Cabdullaahi Yuusuf gaashaanka u daruuray. Ugu damayntii waxaynu ka soo hadalnay inqilaabkii laga sameeyey Boosaaso oo Cabdullaahi talada lagala wareegay isku daygiisii uu isku dayey inuu awoodda ku soo ceshado hase yeeshee uu ku guuldaraystay taasoo sababtay dhamaadkii xukunkiisa oo ku ekaa marxalaadaas dhamaadkii bishii 7aad 2001.
Qormadaan waxaan ku qaadaa-dhigi doonaa waqtigii koobnaa ee Dr marxuum Yuusuf Xaaji Nuur uu Madaxweynaha ahaa iyo abaabulkii shirweynaha uu sameeyey kaasoo Madaxweyne loogu doortay Mudane Jaamac Cali Jaamac 14 bishii November 2001. Diidmadii marxuum Cabdullaahi Yuusuf ee wixii ka soo baxay shirkaas, kaalintii isimada oo daciiftay, duulaankii uu Cabdullaahi Yuusuf ku soo qaaday Maamulkii Jaamac Cali Jaamac iyo gurigii uu ka deganaa Garowe, dib ula wareegistii Cabdullaahi Yuusuf ee maamulka Puntland, dagaaladii dhacay, asaaskii jabhaddii Badbaadinta Puntland ee marxuum Maxamuud Muuse Xirsi hogaaminayey iyo ugu damayntii heshiiskii labada dhinac dhexmaray bishii May 2003.
Khilaafkii iyo xasilooni daradii dhacday awgeed maamulkii labadii sano oo hore soo kobcaayey markaan waa daciifay, hoos u dhac weyn baa ku yimi, Puntland waxay gashay jahawareer siyaasadeed, Dr Yuusuf Xaaji Nuur ilaahay ha u naxariistee wuxuu ahaa nin afgaaban, xishood badan, sharci yaqaan ah oo dhibta neceb, mudadii yareyd oo uu maamulayey Puntland aad buu u dhibsaday dadka iyo sida ay u fekerayaan, wacyiga bulshada oo aad u hooseeya. Mar aan la sheekaystay marxuum Yuusuf Xaaji Nuur wuxuu ii sheegay inuusan qaateen go’aankii uu qaatay haddii uu xaalka sidaan moodaayo, isagoo marka taas ka duulaaya wuxuu ku dadaalay inuu qalqaaliyo shirweyne mar labaad dadka Puntland isugu yimaadaan oo Madaxweyne lagu doorto. Shirkaas wuxuu qabsooomay aakhirkii bishii oktoober 2001 waxaana uu soo gabagaboobay 14 November 2001, halkaas oo Mudane Jaamac Cali Jaamac Madaxweyne loogu doortay, Madaxweyne ku xigeena waxaa loo doortay Mudane Baashe Maxamed, hase yeeshee marxuum Cabdullaahi Yuusuf oo fadhigiisu ahaa magaalada Gaalkacyo genefka ayuu ku dhuftay natiijada doorashadaas wuxuuna ku dhawaaqay inuu isagu yahay Madaxweynaha sharcgiga ah ee Puntland.
Mudane Jaamac Cali Jaamac dheg jalaq uma siin dhawaaqa ka soo yeeray marxuum Cabdullaahi Yuusuf durba wuxuu dhisay xukuumadiisii wuxuuna bilaabay hawl-maalmeedkii shaqo ee dawladda hase yeeshee muddo aan bilo ka badnayn ayaa Cabdullaahi Yuusuf duulaan kedis ah ku soo qaaday Garowe wuxuuna toos u weeraray gurigii mudane Jaamac Cali Jaamac uu Garowe ka deganaa, waxaan xasuustaa in madaafiic lagu garaacay gurigii uu Jaamac deganaa dagaalna uu ka dhecay magaalada, hase yeeshee Jaamac Cali Jaamac waxba kuma noqon weerarkaas waxaana u suurta gashay inuu ka baxo Garowe una jihaysto xagaas iyo Boosaaso halkaas oo uu maamulkiisa ka sii wadey illaa laga gaarayey May 8 -2001.
Halkaas marka xaal marayo, magaalo madaxdii Garowe waxay noqotay furin dagaal muddo lix bilood ah ayaa la isku hor fadhiyey, marxuum Cabdullaahi Yuusuf iyo ciidankiisa waxaa fariisin u ahayd Meeraysane waa halka maanta xarunta UN-ku ku taal agteeda halka ciidmadii ka soo horjeeday oo taageersanaa Jaamac Cali Jaamac ay fariisin ka dhigteen dhinaca bari ee magaalada halkaas oo ay subax walba madaafiic ku tuuri jireen xarunta Cabdullaahi Yuusuf iyo ciidankiisu deganaayeen. Magaalada mar baa laga qaxay waxay ahayd markii Faarax Dheere oo ahaa nin ganacsade ah oo maamule ka ahaa shirkada Towfiiq aadna uga soo horjeeday Cabdullaahi Yuusuf uu u dhintay rasaas lagaga soo riday isagoo gaari wata oo agmaraaya meeshii ciidanka cabdullaahi Yuusuf taageersanaa ay deganaayeen, maalintaas magaalada Garowe dagaal baa ka dhacay khatar weyn baana soo wajahday dad badan ayaa qaxay hase yeeshee waxgaradkii deegaanka Nugaaleed waxay go’aansadeen in la baajiyo dagaal dame oo magaalada ka dhaca waana lagu guuleystay oo la xakameeyey.
Kaalintii isimada oo firfircoonaan jirtay markaan meesha waa ka baxday wax talo ah oo ay isugu yimaadeen ma jirin tan iyo intii Cabdullaahi Yuusuf weerarka ku soo qaaday madaxtooyaddii Jaamac Cali Jaamac, afkii baa juuqda gabay, waanwaani waa dhimatay keliya waxay ku dadaaleen isimadii Garowe joogay in laga baaqsado dagaal Garowe gudeheeda ku dhex mara labadii garab oo is hayey. Waxaa la ii sheegay in Mudane Jaamac Cali Jaamac uu mar talo weydiiyey islaan Maxamed subixii dagaalku ka socday Garowe, isagoo yiri “islaan maxaan yeelaa talo keen” wuxuu ugu jawaabay “talo ma hayo anagu waan ku dooranay talo adigay kuu taal”.
Garowe muddo lix bilood ah waxay ahayd furin la isku hor fadhiyo, ma jirin maamul ka shaqaynayey caasimadda, maamulka Jaamac Cali Jaamac wuxuu ka socday Qardho iyo gobolka Bari halka wixii Garowe galbeed ka xiga uusan ka shaqaynayn maamulkii Jaamac Cali Jaamac. Tobankii bisha shanaad 2001 ayuu Cabdullaahi Yuusuf ka soo kooraystay magaalada Garowe ciidankii horfadhiyeyna kolonyo ayey soo galeen iyagoo is baacsanaya ayey magaalada Qardho agagaarkeeda habeenkaas dhufays isu galeen. Maalintii labaad ayuu Cabdullaahu Yuusuf soo galay magaalada Qardho wax iska cabin weyn ah kalama uusan kulmin, halkaas oo uu laba habeen ka dib usoo dhaqaaqay magaalada Boosaaso.
Mudane Jaamac Cali Jaamac markii uu xaalka arkay ayuu isaga baxay magaalada Boosaaso isagoo u jiheystay xagaas iyo Somaliland oo uu maalmo dabadeed ka sii dhoofay, halka Cabdullahi Yuusuf iyo ciidankiisii ay soo galeen magaalada Boosaaso iyada oo aan wax dagaal ahi ka dhicin dadkuna ay si fiican u soo dhoweeyeen, Mudane Jaamac Cali Jaamac Madaxweynanimadiisii waxay ku ekeyd bishii May 14 keedii 2002. Mudane Jaamac Cali Jaamac oo ahaa ruuxiisu nin ciidan loo tababaray kana gaaray darajada Korneyl wuxuu go’aansaday inuusan dagaalamin oo uu iskaga huleelo Puntland. Wuxuu ahaa go’aan qaraar oo aan qof dhif ah mooyee cid kale qaadan karin, Mudane Jaamac wuxuu ahaa nin ilaah ka cabsi badan, aragti dheer, og dhibaatada dagaalku leeyahay, xaalada dadkana si fiican ula socday wuxuu go’aansaday inuusan dagaal ka dhex abaabulin dadkiisa oo uu iskaga huleelo, waxay ahayd go’aan geesinimo leh oo ku salaysan aragti dheer iyo aqoon ee maahayn fulaynimo sida dad badan laga yaabo inay u qaateen.
Hadaba maxaan ka baran karnaa taariikhdaan kooban?
Khilaafka dartiis maamulkii soo kobcaayey hoos u dhac weyn baa ku yimi, sidaas darteed waxaan ka baran karnaa in dhisidda dawadnimadu ay u baahan tahay xasilooni iyo nabad. Samirka iyo dulqaadka Jaamac Cali Jaamac iyo aragtidiisii fiicnayd ee ka soo horjeeday dagaalka waa cashar fiican. In marxuum Cabdullaahi Yuusuf ay ka go’nayd inuu xoog dib ugu qabsado Puntland qiimo kasta oo ay ugu kacayso. In isimadii Puntland talo farahooda ka baxday wixii ka dameeyey doorshadii Jaamac Cali Jaamac kaalintoodiina ay daciiftay. Wax dhex dhexaadin ah ama talo ah isuguma imaan isimadu.
Qormada Afraad: Laba kaclayntii marxuum Cabdullaahi Yuusuf, dib u habayntii maamulkiisa, dagaaladii dhacay, asaaskii Jabhadda JBP, heshiiskii iyo dhismihii dawladii wadaaga ahayd, shirkii Imbagaati iyo doorashaddii Cabdullaahi Yuusuf, Madaxweynanimadii Maxamed Cabdi Xaashi (May 2002- December 31- 2004).
Cabdullaahi Yuusuf markaan wuxuu si fiican uga hirgeliyey maamulkiisii magaalada Boosaaso, baarlamaankii mudada kala maqnaa ayuu dib ugu yeeray oo fadhi ku yeeshay Boosaaso, xubnihii berigii la saftay Dr Yuusuf Xaaji Nuur ayaa laga saaray baarlamaankii xubno cusub ayaa bedelkoodii loo codeeyey. Wasiiraddi ayaa la kordhiyey oo wasiiro ku xigeeno badan ayuu magacaabay, ciidamadii ayuu dib u dhis iyo dib u habayn ku bilaabay. Madaxweyne ku xigeenkii Maxamed Cabdi Xaashi oo isagu dagaalada aan qayb ka ahayn ayaa isaguna markaan dib u soo noqday isla markaasna fariisin ka dhigtay madaxtooyada Garowe, mar baa Boosaaso la yiri Cabdullaahi Yuusuf wuxuu baarlamaankiisi Boosaaso joogey horgeyn doonaa ajende ah in Maxamed Cabdi Xaashi xilka laga qaado maadaama uusan ka qaybgelin dib u xorayntii iyo halgankii uu Cabdullaahi Yuusuf dib ugu soo ceshanayey maamulkii uu Maxamed ku xigeenka ka ahaa. Wararku waxay sheegayeen in lagu bedeli rabay mudane Axmed Cabdi Caabsade oo isagu halganka Cabdullaahi la soo galay oo la fadhiyey intii dagaaladu socdeen, arrinkaasu hase yeeshee ma suurtagelin dad badanina waxay kula taliyeen Cabdullaahi Yuusuf inuusan sidaas yeelin maadaama uu hadda buuq iyo shiddo ka soo baxay.
Arrimahaasu markay Boosaaso ka socdaan dhinaca kale agagaarka magaalada Qardho waxaa ka socday diyaar- garow ciidan markaan dagaalkii reer Qardhood baa ku keliyeystay dadkii kale meesha waa ka baxeen ama waa sii yaraadeen, wadada u dhexaysa Boosaaso iyo Qardho halka lagu magacaabo Qayaadsame agaheeda iyo tuulada Alxamdulilaah baa ciidaankaas reer Qardhoodka u badani saldhig ka dhigtay. Hase yeeshee ciidankaasu wax dhibaato ah uma geysanayn isu sococdka dadka wax weliba caadi bay ku socdeen dadka iyo baabuurta wadada maraya labaduba.
Laba ciidan isuma jeedan karaane Cabdullaahi Yuusuf muddo bilo ah ka dib guluf ciidan ayuu soo diyaarshey isagoo khatar weyn u arkaayey ciidankaas Boosaaso iyo Qardho dhexdooda degey halka ay u socdaana tahay inay isaga Boosaaso ku weeraraan. Dagaal xoog leh baa ka dhacay Qayaadsame iyo tuulada Alxandulilaah goor barqo ah, ciidankii halkaas deganaana waa laga xoogroonaaday waana kala firxadeen, dhimasho iyo dhaaac badani waa jireen labada dhinacba. General Maxamuud Muuse Xirsi oo Cade lagu naanaysi jiray ayaa markaan Kanada iyo xagaas ka yimi wadatashi iyo dersid uu xaaladda ku sameeyey dabadeed wuxuu amar ku bixiyey in hubkii iyo ciidankii lagu uruuriyo aaga tuulada Dhuudo oo ka tirsan degmada Bander- bayla halkaas oo beri awoowihiis Xirsi Boqor xukumi jiray xiligii Boqor Cismaan. Waana meesha uu generaalku ku dhashay inaksta oo yaraantiisii loo wareejiyey xagaas iyo Xamar oo uu ku barbaaray waxna ku bartay.
Marxuum General Maxamud Muuse Xirsi (Cade) markaan waxa uu saldhig ka dhigtay tuulada Dhuuddo halkaas buu ciidan uruurin iyo tababar ka bilaabay, isla markaasna kaga dhawaaqay jabhada la magac baxday Jamahadda Badbaadinta Puntland (JBP). Waqtigu xiligaas wuxuu ku beegnaa dhamaadkii sanadkii 2002, Cabdullaahi Yuusuf talo waa ku cadaatay dagaal jabhadeed oo hor leh baa soo foodsaaray hase yeeshee wuxuu go’aansaday inuu duullaan ku qaado Dhuudo iyo agagaarkeeda oo jabhadaas inta aysan xoogaysan uu cagta mariyo qorshahaasna deg deg buu u bilaabay diyaar garow ka dib ciidamo fara badan ayuu ku daabulay halkaas dabadeedna dagaal baa ka dhacay aaggaas in kasto oo General Maxamuud Muuse Xirsi uu xeelad sameeyey si uu khasaarhiisa u yareeyo maadaama uu ogaa inaan ciidankiisu u babacdhigi karayn ciidamada uu marxuum Cabdullaahi Yuusuf soo abaabulay wuxuu go’aansaday inuu baabuurtiisa, hubkiisa iyo ciidankiisa wixii baabuurtu qaadi karto uu wado kale kala baxo dabadeedna uu dabamaro ciidankii ku soo wajahnaa maalin kadibna waxaa la soo wariyey inuu sii maray Dhahar dabadeedna uu halkaas iyo degmada Ceel- afweyn oo ka tirsan gobolka Sanaag oo Somaliland xukunto uu fariisin ka dhigtay.
Laba arrimood ayaa Marxuum General Cade Muuse u sahlay inuu halkaas fariisin ka dhigto. Waa midda kowaade waxay ahayd deegaan uu aad u yaqaanay dadkeeda maadaama uu mar tobaatanaadkii uu guddoomiye gobol ka ahaa gobolka Sanaag weliba xiligii abaartana uu shaqo fiican ka qabtay. Mida labaadna waxay ahayd maamulka Somaliland oo uu markaas Madaxweyne ka ahaa mudane Daahir Riyaale aad bay isugu xumaayeen Puntland muran xoog weyn oo dhuleed baana ka dhex jiray illaa hadana ka dhexjira sidaas darteed maamulka Somalialnd wuxuu u arkayey fursad in Puntland awoodeedu daciifto si khatarta uga imaanaysaa ay u yaraato.
Markaan marxuum Cabdullaahi Yuusuf xoogaa waa nafisay dagaaladii gudaha kaga socday waa dhamaadeen hase yeeshee jabhad mucaarad ah ayaa meel aan ka fogeyn ka soo dhaaranaysa maamulkiisii xoogaa nafis ah buu helay in kastoo maamulka Puntland marka laga reebo labadii sano oo hore oo uu si xawli ah u kobcay markaan aan wax qumani kusiyaadin maadaama dagaal iyo xasilooni daro ay naafaysay. Marxuum Cabdullaahi Yuusuf mar walba wuxuu u arkayey khatar jabhaddaas halkaas ka abuurantay oo saldhiga ka heshay maamul cadowgiisa ah sidaas darteed wuxuu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii uu xiriir ula samayn lahaa General Cadde Muuse oo uu heshiis uga dalbi lahaa, in kastoo wadahadalada khadka telefoonku markii hore ay adkaayeen oo la is fahmi waayey adayga ka jiray xaga Cade Muuse darteed hadana dhowr telefoon oo ay ku wada hadleen ka dib labada oday ilaahay labadoodaba ha u naxariistee waxaa ugu damayntii la isku afgartay in arrinka heshiis iyo nabad lagu soo dabbaalo.
Sidaan hore usoo sheegay markaan doorkii dhex dhexaadinta ee isimada Puntland waa daciifay wax kaalin ah kuma aysan lahayn waxa socda wixii dagaal dhacayey dhex dhexaadin iyo heshiisiin iskuma aysan deyin waxaa la dhihi karaa baalashii baa ka qoyey afkiina juuqduu gabay, hase yeeshee waxaa fursadaas ka faa’iidaystay maadaama gobolkoodana ay jabhadu deganayd laba isim oo si fiican looga yaqaan geyiga Soomaalida waa Boqor Buur-madow iyo Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan labadaas isim ayaa kaalintii dhex dhexaadinta qaatay.
Waxaa lagu heshiiyey in Generaal Cade Muuse soo guuro isaga iyo ciidankiisuba oo ay soo degaan magaalada Boosaaso halkaasna heshiiska lagu dhamaystiro markaas taariikhdu waxay ku beegan tahay bishii Apriil 2003, ciidamadii janhaddu waa soo guureen waxayna soo degeen Boosaaso agteeda dabadeedna waxaa bilawday wada hadalkii iyo arrimihii lagu heshiin lahaa waxaa shir lagu qabtay madaxtooyada Puntland ee magaalada Boosaaso shirkaas oo aad looga soo qayb galay waxaa lagaga dhawaaqay in la heshiiyey isla markaasna qodobada lagu heshiiyey waxaa ugu muhiimsanaa in dagaalkii iyo khilaafkii la soo afjaray nabadna la qaatay dawlad wadaag ahna la dhisi doono, galabtaas ayaa labadii oday heshiis ku kala saxiixdeen dagaalkii iyo khilaafkii soo taxnaa illaa July 2001 halkaas buu ku soo afjarmay. Wada hadal hoose oo ku saabsan qaabka dawladda loo qaybsanaayo ayaa dabadeed bilawday isla bishii May bilawgeedii 2003 dawlad wadaag ah oo ka kooban labadii dhinac oo is hayey ayaa halkaas lagu dhisay.
Dawaladaasu waxay shaqaynaysay muddo hal sano iyo bar ah, Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf markaan fursad wuxuu u helay arrimihii Sooomalida oo uu weligiis maskaxda ku hayey shirkii Impagaati ee dalka Kenya ayaa markaas qaban qaabadiisii ay socotaa Cabdullaahi watiga inta badan wuxuu ku qaatay magaalada Nairobi hawlaha dawladana waxaa sii waday Madaxweyne ku xigeenkiissii Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi, Puntland markaan xasilooni siyaasadeed baa timi maamulkii wadaaga ahaa baa sii shaqeeyey hay’adihii caalamiga ahaa ayaa bilaabay inay wada shaqayn la bilaabaan maamulkii Puntland inkasta oo wax weliba bilaw oo kale ahaayeen.
Laga soo bilaabo July 2001 illaa May 2003 muddo laba sano ah xaaladda Puntland aad bay u xumayd qalalaase siyaasadeed, dagaalo iyo kala qaybsanaan baa soo wajahday markaas maamulka wax ka dhaca maahee wax ku kordhay ma jirin wax weliba waa sii daciifeen. Mudadaas halka sano iyo barka ahayd oo dawladda wadaaga ahi jirtay baa maamulkii dib u soo noolaaday xoogaa ammaan iyo horumar ah baa la dareemay. Shirkii Impagaati oo muddo jiitamayey waxaa aakhirkii lagu doortay Madaxweyne marxuum Cabdullaahi Yuususf Axmed 10-kii bishii tobnaad 2004. Sida sharcigu qabo markaas Puntland waxaa Madaxweyne ka noqday marxuum Maxamed Cabdi Xaashi, Madaxweyne ku xigeen ayaa markaas baarlamaanku u doortay Mudane Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab).
Maxamed Cabdi Xaashi durabdiiba wuxuu go’aansaday inuu doorasho qalqaaliyo, dad badan oo la shaqaynayey ayaa kula taliyey inuu waqtiga sii dheereeyo si uu muddo xafiiska u sii joogo hase yeeshee wuxuu go’aansaday inuu doorasho qalqaaliyo isla markaasna tartamo, doorashadaas oo qabsoontay Janaayo 8-2005 waxaa ku tartamay sadex musharax oo kala ahaa mudane Maxamed Cabdi Xaashi madaxwenihii xiligaas, General Maxamud Muuse Xisri Boqor (Cade) iyo Cabdiraxmaan Maxamed Maxamud (Faroole), wareegii sadexaad waxaa isugu soo haray Maxamed Cabdi Caashi iyo Maxamud Muse Xirsi (Cade) labadaba ilaahay ha u naxariistee waxaana codad aan badnayn ku guulaystay Maxamuud Muuse Xirsi (Cade) oo loo doortay Madaxweynaha Puntland 8 bishii janaayo 2005, markaas dabadeed waxaa caado noqotay in Janaayo sideeda la doorto Madaxweynaha Puntland oo tan iyo markii waqtigaas ka dameeyey sidaas ku socota.
Hadaba maxay ahaayeen casharada laga baran karo Taariikhdaan kooban?
Casharadaasu waxay noqon karaan in waqtigii ugu adkaa ee Puntland soo martay dagaalo sokeeyana dheceen uu ahaa laga soo bilaabo Bishii todobaad 2001 illaa bartamihii 2003 oo khilaafka la soo afjaray. Waxaan kaloo ka baran karnaa in markasta oo khilaaf siyaasadeed oo gacan ka hadal isu bedela uu yimaado ay dawladnimadu daciifayso waxtarkeeda iyo waxqabdkeeduna hoos u dhacaayo. Waxaynu kale oo ka baran karnaa inay Puntland soo martay dagaal sokeeye oo ay wax ka baratay casharaddii iyo taariikhdii la soo marayna loo baahan yahay in duruus laga barto. Ugu damayntii waxaa dhihi karnaa labadii marxuum ee dagaalku dhexmaray Cabdullaahi Yuusuf iyo Cade Muuse inay ahaayeen laba oday oo nabada iyo xasiloonida Puntland hawl adag usoo maray isla markaasna markii dame noqday laba oday oo aad saaxiibo u ah. Mudane Jaamac Cali Jaamac oo isaguna nin nabadeed ahaa sidaan horay usoo sheegnay doortay inuusan dagaal abaabulin kaalin weyn buu nabada ka soo qaatay. Ogaantay Sidii uu waagaas uga huleelay Puntland dib dame uguma soo noqon waxaana la ii sheegay inuu hadda ku noolyahay qaaradda Yurub dal ka mid ah.
FG. Taxanaheena soo socda waxaan ku qaadaa-dhigi doonaa caqabadihii, fursadihii iyo horumarkii ay sameeyeen dawladihii ay Madaxweynayaasha ka soo noqdeen marxuum Cade Muuse iyo Cabdiraxmaan Faroole (2005-2008) iyo (2009-2013) siday u kala horeeyaan.
La soco khamiista dame
Axmed Siciid Nuur
Email: ahsnur77@gmail.com
Mobile: 0907797081