Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Boosaaso

Hal qof ayaa ku dhintay dhowr qof oo kalana dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaaray qarax goordhaweyd ka dhacay meherad ku taalla agagaarka garoonka diyaaradaha Boosaaso.

Qarax oo la aaminsan yahay in uu ahaa nooca dhulka la geliyo ayaa ka dhacay meherad qayilaad oo ay fariistaan saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland.

Qaraxa waxaa ku geeriyooday sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha Puntland oo lagu magacaabi jiray Maxamed Baxwal, halka dadka ku dhaawacmay ee hadda lagula tacaalayo isbitaalada Boosaaso uu ka mid yahay Axmed Jaraale oo mar soo noqday taliye ku xigeenka booliska gobolka Bari.

Qaraxa ayaa ku soo aadaya, iyadoo maanta magaalada Boosaaso lagu dilay taliyihii hore ee kaantaroolka Boosaaso, Barkhad Guduudane Buryar.

Laamaha ammaanka gobolka Bari ayaa weli ka hadlin labada dhacdo ee maanta ka dhacay xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso, sidoo kale ma jirto weli cid sheegatay dilka iyo qaraxa Boosaaso.

PUNTLAND POST