
Muran xooggan ayaa ka taagan doorashada duqa degmada Eyl ee Gobolka Nugaal, kaas oo u dhexeeya dowladda iyo urur siyaasadeedka Horseed.
Murankaas ayaa dib u dhac ku keenay Jadwalkii lagu ballamay ee doorashada saddexda degmo ee Qardho, Eyl iyo Ufayn sida ay wararku sheegayaan.
Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa horay u shaacisay in doorashada guddoomiyaasha saddexdaas degmo la qaban doono 27-ka January 2022 oo ku beegan khamiista berriya.
Balse Jadwalkaas ayaa dib u dhac ku yimid, kadib markii uu soo baxay Khilaaf ku saabsan doorashada oo u dhexeeya Xukuumadda iyo urur siyaasadeedka Horseed ee Cabdiraxmaan Faroole.
Urur siyaasadeedka Horseed ayaa diiday in wax doorasho ah laga qabto degmada Eyl ee Gobolka Nugaal, sida ay xaqiijiyeen dad lagu kalsoonyahay.
Dowladda iyo urur siyaasadeedka Horseed ayaan weli dhinacna ka hadlin muranka taagan ee keenay in dib u dhac ku yimaado jadwalka doorashada guddoomiyaasha saddexda degmo.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.