Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Beledweyne ka dejisay cutubyo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor iyo Haramacad.
Labo diyaaradood oo Muqdisho ka soo qaaday ilaa 100 askari oo isku jira ciidamada Gorgor iyo Haramacad ayaa ka soo degay garoonka diyaaradaha Beledweyne, kuwaas oo markii dambe gudaha u galay magaalada, waxaana sida la sheegay ciidamadan loo keenay in ay sugaan amniga magaalada Beledweyne.
Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo gudaha magaalada Beledweyne kula hadlay ciidamada ayaa u mahadceliyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, sidoo kale ciidamada kula dardaarmay xaqiijinta ammaanka Hirshabeelle gaar ahaan magaalada Beledweyne.
Keenitaanka ciidamadan ayaa ku soo aadaysa, iyadoo shalay maleeshiyo hubaysan ay qabsadeen qaybo ka mid ah magaalada Beledeweyne oo ka mid ah goobaha loo asteeyay in ay ka dhacdo doorashada Golaha Shacabka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.