Shirweyne lagu qabanayo magaalada Garoowe

Wasaaradda Caafimaadka dowladda Federalka Somaliya iyo Machadka Caafimaadka Qaranka (National Institute of Health (NIH)) ayaa lagu wadaa inay si wada jir ah u qabtaan shir weynihii ugu horreeyay oo lagu soo bandhigi doono cilmi-baadhisyo kala duwan oo ku saabsan caafimaadka guud.

Shirkan oo noqon doona mid sanadle ah ayaa wejigiisa koobaad waxa uu ka dhici doonaa maagalada Garoowe taariikhdu marka ay tahay 30 Janaayo – 1 Feebaraayo 2022.

Machadka Caafimaadka Qaranka oo ka duulaya fursad siinta Cilmibaarayaasha Soomaaliyeed iyo wax soosaarka Cilmiyeed ee aqoonyahanka iyo mihnadlayaasha Caafimaadka heerarkooda kala duwan ayaa doonaya inuu abuuro Madal noqonaysa tii ugu horeeyay oo nuuceeda ah.

Madashan ayaa ayaa sheegay in uu fursad gooniya siinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee wax ka qora qaybaha kaladuwan ee Caafimaadka Guud oo runtii ah meelaha ugu muhiimsan ee dalku ka liitay mudadii aan burburka ku jirnay.

PUNTLAND POST