Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta tababar u xiray dufcadii shanaad ciidamada gaarka ah ee madaxtooyada maamulkaas.
Ciidamada oo ay tababareen saraakiisha Itoobiya ee ku sugan Koonfur Galbeed oo kaashana AMISOM ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay tababar ku qaadanayey magaalada Baydhabo.
Madaxweyne Laftagareen oo hadal ka jeediyay munaasabada tababarka loogu xiray ciidamada ayaa u jeedada ugu weyn ee loo tababartay ku sheegay in ay isku furaan magaalooyinka Koonfur Galbeed ee ay go’doomiyeen ururka Al-shabaab.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.